mursi1Qaahira (Araweelo News Network)Madaxweynihii Millateriga dalka Masar xukunka ka tureen Maxamed Mursi ee ay xukunka ka tureen mudo yar ka dib markii si dumuqraadi ah loo doortay oo weli ku jira, ayaa

 

markii u horreysay fariin usoo diray taageerayaashiisa iyo guud ahaan shacbiga Masar.

Sidoo kale waxa uu fariintaa ku sharaxay sidii ciidammada millaterigu xilka uga qaadeen bishii July ee sannadkan kadib markii dadweynuhu mudaharaadyo waawayn kala horyimaadeen, kuwaas oo uu iska dhega tiray, isla markaana fursad u siisay milateriga dalkaa in ay inqilaabaan. Kadibna xabsiga u taxaabaan isaga iyo hogaamiyayaashii Ururka Ikhwaanka oo markii u horaysay taariikhda dalka Masar ee ay ka dhacdo doorasho dumuqraadi ah ay ku guulaystaan xukunka.

Maxamed Mursi waxa uu sheegay in ciidammo millateriga ka tirsani afduubeen maalin ka hor markii ay si rasmi ah u af-gambiyeen, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay khiyaamo laga galay qaranka Masar.

//

Sidaasi waxa shaaciyey koox garyaanno is-xilqaamay ah oo aan ahayn qareenno isaga u doodaya oo jeelka ku booqday Maxamed Mursi, kuwaas oo shir jaraa’id oo Arbacadii shalay warbaahinta u qabteen ka akhriyey qoraal farriin ah oo ay ka soo qaadeen.

“Dadka wanaagsan ee reer Masar waa inay ogaadaan in si khasab ah la ii afduubay 2-dii July ilaa 5-dii July oo la igu hayey guri ay leeyihiin ciidammada Jamhuurigu, ilaa haddana si khasab ah la ii geeyey saldhig ciidammada baddu leeyihiin oo la igu hayey Afar bilood oo buuxa,” ayuu ku yidhi Mursi qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu farriintaasi ku sheegay in xil-ka-qaadistiisu ahayd af-gambi sharci-darro ah oo ay waajib tahay in maxkamad la soo taago madaxdii ciidammada ee ka dambeeyey, “Waa in xukunka millateri la qaado oo kuwii masuulka ka ahaa inay daadiyaan dhiigga reer Masar la maxkamadeeyo.”

Maxamed Mursi waxa uu ku dooday in aanay Masar degi doonin ilaa inta uu joogo xukunka millaterigu, waxaannu yidhi, “Masar hagaagimayso ilaa wax kasta oo dhacay intii inqilaabku dhacay meesha ka baxaan oo lala xisaabtamo kuwii daadiyey dhiigga oo meelkasta oo dhulka qaranka ka mid ah.”

“Waxaan u mahadcelinayaa dadka reer Masar ee ka soo horjeestay inqilaabkan, kaas oo ku dhici doona awoodda shacabka Masar ee jihaadka ugu jira xuquuqdooda iyo dimuqraadiyadooda,” ayuu intaasi raaciyey Maxamed Mursi.

Maxamed Mursi ayaa soo horraantii bishan la horkeenay maxkamad qaadaysa dambiyo lagu soo oogay, isagoo diiday inuu u hoggaansano shuruucda maxkamadda uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, waxaanna 4-dii bishan November kadib maxkamaddiisa loo wareejiyey xabsi ku yaal magaalada Alexandria.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *