Dr.Ali YusufHargeysa (Araweelo News Network)Guddoomiye xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf Axmed, ayaa sharci-darro ku tilmaamay shir qaran oo uu qayb ka yahay Guddoomiyihiisa Cirro oo ay

 

//

doonayaan inay qabtaan labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Dr.  Cali Yuusuf oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay shalay xarunta Golaha Wakiillada waxa uu sheegay in sharci ahaan sida dastuurku dhigayo shir qaran uu qaban karo oo keliya Madaxweynaha dalku, balse aanay cid kale qaban karin.

 

“Haddii ay dalka ka dhacdo dhibaato Ilaahay ha inaga hayee Madaxweynaha ayaa isugu yeedhaya golayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada, markaasi ayuu isagu soo jeedinayaa wixii lagaga hadlaayo, sidoo kale, waxa uu dastuurku dhigayaa in madaxweynuhu isugu yeedhi karo Baarlamanka oo fasax ku jira.

Sidaa darteed, annagu uma aragno sabab madaxweynaha oo aan codsan in cid kale isugu yeedho shir qaran oo la isugu yimaado, arrin sax ahna maaha in cid kale ku dhawaaqdo shir qaran baa qabanayaa,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf.
Waxa kaloo uu ku sababeeyey deedafaynta shirkaasi ka qaybgalkiisa oo aan loo dhammayn iyo waaqaca xaaladda lagu qaban karo ee xilligan oo aan waafaqsanayn.

“Waxa kale oo meesha taal waxa weeye shirka waa inuu noqdo mid ay ka qaybgalayaan Baarlamanka, golaha wasiirrada oo madaxweynuhu u soo jeedinayo haddii arrin xasaasi ahi jirto iyo qaranka oo dhami, laakiin shir qaran oo dadweynaha loo qabanayaa ma jiro, waayo kaas waynu ka soo gudubnay markii beelaha iyo madaxdhaqameedku ka talinayeen nabadaynta waynu ka gudubnay oo iminka waxaynu nahay dawlad dimuqraadi ah oo Baarlamankeeda iyo Madaxweynaheeda la soo doortay, markaa ciddii shir qaran qaban kartaa dastuurka ayuu ku cadyahay,”  ayuu hadalkiisa ku soo koobay Dr. Cali Yuusuf Axmed oo ah gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *