Hjamaal1argeysa (Araweelo News Network)Murrashaxa Jagada madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigeeda tallada haya

 

uga digay inay hantida ummadda ka dhexaysay u adeegsato soo jiidashada iyo kasbashada dadka mucaaridka ku ah.

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo Jamhuuriya waraysi khadka telefoonka ku siiyey xalay, waxa uu tilmaamay in xafladdii KULMIYE iyo xukuumadu u qabteen 11-kii xildhibaan ee ku biiray ay ahayd fariin hanjabaad ah oo loo dirayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ku hawlan dooda qaran ee labada xisbi mucaarid qabanqaabinayaan, isagoo sidoo kale xusay in xafladaasi ahayd mid xisbiga tallada hayaa ku dambabasayey fadeexado nabadgelyo iyo musuqmaasuq oo uu sheegay inay dul-hoganayaan xukuumada talada haysa.

“Waxa fiican marka u horasay in aanay dawladnimadu innaga noqon xaflado loo sameeyo xildhibaanno markoodii horeba dawladda la macaamili jiray oo la yidhaahdo way nagu soo biireen, iyadoo la isticmaalayo lacagtii danyarta. xukuumada waxaannu uga digaynaa xoolaha ummadda ee ay u adeegsanayo inay dadka ku soo jiidato, Golaha Wakiilladuna waa meelaha laga dhintay, markaa ninam xildhibaanno ah oo markoodii horeba xukuumada arday u ahaa oo wixii loo dirsado sidooda u fuliya, markasta oo xeer la keenno golahana sidii u ansixiya inay maanta yidhaahdaan way nagu soo biireen wax macno weyn ku fadhiya uma arko,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

//

Murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID, waxa uu iftiimiyey in xafladii KULMIYE ku qabtay xildhibaannada ku biiray ay ahayd fariin janjabaad ah oo xukuumada iyo xisbigeeda tallada hayaa u direen guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaasoo uu xusay in lagu cabsi gelinayo in aqlabiyada Golaha Wakiilladu taageersan yihiin xukuumada, xilkana si dhibyar looga tuuri karo.
“Ujeeddada laga lahaa xafladdii xildhibaanadaas loo qabtay waxay ahayd fariin loogu hanjabayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, hanjabaadaasina waxay daaran tahay in xilka guddoomiyenimo laga tuuri karo haddii uu ka bixi waayo dooda qaran ee labada xisbi mucaarid wada jirka u qabanayaan. Hanjabaadii, caga-juglayntii iyo faankii ka muuqday madaxda KULMIYE waxay ahayd wax runtii laga xishoodo, iyagoo runtii xoolihii ummadda iyo awood qaranku siiyey isticmaalaya ma qurux badna inay xisbiyada mucaaridka ah ugu faanaan dad baa nagu soo biiray ay awalba la macaamili jireen oo arday u ahaa.

Ujeeddada kale ee xafladaas laga lahaa waxaan u arkayey mid KULMIYE ku dambabasayo, laguna daboolayo fadeexadihii ugu dambeeyey ee dul-hoganayey xukuumada muddooyinkii u dambeeyey, taasoo ay ugu horaysay fadeexadii dhinaca nabadgelyada ee KULMIYE dul-hoganaysay ee ahayd in sidii filimadii Kaamboyga (Cow-boy) la isku dul rasaaseeyo caasimada, waxa kale oo xafladaasi u muuqatay mid lagu dambabasayey fadeexadihii musuqmaasuqa ee ka dhashay madaarka Hargeysa oo arrinkeedii aan weli la dhamayn. Diyaaradii yarayd ee Fokol-ta ahayd ee ilaa 2003-dii Madaarka Hargeysa iman jirtay ayuun baa haddana soo fadhiisata, diyaaradii weynayd ee Ethiopian Airline ee Berbera fadhiisan jirtay maanta ma timaado Hargeysa, taasina waa dhalliisha madaarka. Halkii fadeexadahaas wax laga qaban lahaana, xukuumaddu waxay ku mashquulsanayd sidii xisbiyada mucaaridka loo kala furfuri lahaa ee kolba inta dad la soo ururiyo la yidhaah way nagu soo biireen,” ayuu yidhi murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

Waxa kale oo uu xusay in xaaladda caasimada Hargeysa aad u liidato xilliyada roobka oo cid dhex mari kartaa aanay jirin, isagoo xukuumada ku eedeeyey in halkii ay dhibaatooyinka jira wax ka qaban lahayd ay ku mashquushay la-dagaalanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI.

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyey sida uu u arko haddii ka soo baxay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ee uu ku sheegay in aanay xisbiyada mucaaridku qabsan karin shir qaran, waxa uu ku jawaabay; “Annagu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uma jawaabayno oo waa nin nala mid ah oo guddoomiye ka ah xisbi la mid ah labada xisbi mucaarid, saddexda xisbi qarana waa isku awoodo oo wax iskuma yeedhin karaan, markaa Muuse Biixi nooma yeedhin karo waxa dastuurku xaqa noo siiyey iyo waxa aannu xaqa noo siin, marka hore in iyagu (KULMIYE iyo xukuumada) dastuurka iyo shuruucda dalka akhristaan baa u fiican. Asxaabta qarankana dastuurka ayaa awoodahooga siiyey, cidina kama qaadi karto. KULMIYE waxa loogu coddeeyey inay tallada dalka hayaan, labada xisbi mucaaridna waxa loogu coddeeyey oo awood loo siiyey inay xukuumada iyo xisbigeeda tallada haya ku ilaaliyaan shuruucda, lana xisaabtamaan oo wixii khaladaad ah ee ay ku tallaabsadaan ummadda loo soo bandhigo. Dooda qaran ee aannu qabanayno waxay ka mid tahay la-xisaabtankii xukuumada ee awooda la noo siiyey, waa shaqadayadii, waannu qabsanaynaa, cidna u joojin mayno. xisbiga UCID iyo KULMIYE-ba markii uu mucaaridka ahaa sannadkii 2006 doodan oo kale way qabteen, markaa taasoo kale ayuun baannu annaguna maanta qabanaynaa.”

Murrasha jagada madaxweynaha UCID oo la weydiiyey su’aal ahayd; “Wasiirka daakhiliga Somaliland iyo Guddoomiyaha Guurtidu, waxay hore u sheegeen inay hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah kala hadli doonaan dooda qaran ee muranka dhallisay, weli ma idiin yimaadeen oo arrimahaas ma ka wadahadasheen? waxaannu ku wajaabay; “Annagu haddaannu nahay xisbiyada mucaaridka ah shaqadayada ayaannu qabsanaynaynaa, wixii dastuurku xaq noo siiyeyna waannu samaynaynaa, laakiin wixii dood ka qaba arrimahaas diyaar baannu u nahay in aannu la hadalno, ajandaha doodaas qarana waannu shaaciyey oo waa wax Somaliland u wanaagsan, wax dhibaato ahina kuma jiraan, haddii cidi nala hadlayso diyaar baannu u nahay oo diidi mayno, laakiin cidna ka yeeli mayno inay naga horjoogsato wixii aannu sharci u leenahay.”

Waxa kale oo Jamaal Cali Xuseen la weydiiyey su’aal ahayd; “Inta aydaan dood qaran qabsan, marka hore ma awoodi weydeen haddaan labada xisbi mucaarid tihiin inaad mudanayaasha Golaha Wakiillada kasbataan si aad qaab sharci ah xukuumada ugula xisaabtantaan idinka oo haysta taageera mudanayaasha wakiillada? waxa uu ku jawaabay; “Maxaannu kasban saw kuwan Golihii Wakiilladu noqdeen doogsin-raaca ee xeerkasta oo horyimaad ay duuduub ku meel marinayaan, aniguna iminka waxaan ugu yeedhaa ‘Golihii Duuduubka.’ markaa maaha niman danta ummadda eegaya ee waa rag dantooda ka shaqaysanaya, xukuumaduna waxay isticmaalaysaa xoolihii ummadda iyo cashuurtii danyarta laga soo ururiyey si ay mudanayaasha ugu soo jiidato, annaguna xisbiyo mucaarid ah baannu nahay, lacag ummaddu noo dhiibatay oo aannu isticmaalaynaana ma jirto.”

Xiggasho Jamhuuriya
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *