Qahira(ANN)Madaxweynihii Dalka Masar Xusni Mubarak, ayaa goor dhawayd iska casilay xilkii Madaxtinimmo ee dalka Masar oo uu muddo dheer soo hayay, ka dib, mudaharaado muddo saddex todobaad ku dhaw ka socday dalkiisa oo lagaga dalbanaya inuu xilka iskaga tago, balse

 

uu markii hore ka dhega adaygay.

Sida uu Telefiishanka dalkaas ka shaaciyay Madaxweyne-ku-xigeenkii Mubarak Cumar Suleyman, Madaxweynihii Masar Mubarak, ayaa iska casilay xilkii Madaxtinimo, kuna wareejiyay awoodii dalka Golaha Sare ee ciidammada.

Hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka Masar uu ku sheegay iscasilaada Mubarak, ayaa mar qudha bedeshay dareenka kumanaan mudaharaadayaala oo dalbanayay is-casilaada Madaxweynaha, kuwaasoo mudaharaadkoodii u rogay farxad iyo damaashaad.
Madaxweyne Xusni Mubaarik oo la filayay inuu xalay is casilo ayaa jaah wareeriyay warbaahinta dunida. Kadib markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisu shaacisay inuu talaabo qaadayo oo uu dadweynaha kala hadlayo telefishanka ayaa xalay goor danbe la faafiyay inuu diiday inuu iska casilo xilka, isagoo ku dooday inuu awooda wareejinayo, balse uu xilka sii haynayo ilaa inta ay dhamaanay mudadiisu, taas oo ka cadhaysiisay mudaharaadayaasha oo sababtay inay kacdoonadu sii socdaan ilaa ay khasab ku noqotay inuu saacadihii lasoo dhaafay si rasmi ah xukunka uga degey.

dhinaca kale sida uu kusoo waramay wakiilka shebekada Araweelonews ee Masar Xasan Raawi waxa Talada dalka masar ayaa hada ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee dalkaa,  waxaana  wararku  sheegayaan  inay soo dhisidonaan ciidamada qalabka sida dowlad kumeel gaadh  ah oo dalka uu yeesho. ma jiro  caawa  dalka masar Madaxweyne haya awooda dalkaa, wuxuuna galay  madaxweyne la aan. laakiin  waxa talada  gacanta kuha ciidamada qalabka sida ee dalka masar, waxaana aad loo adkeeyay amaanka dalka masar oo   ay usugayaan ciidamada milatariga iyo ciidamada booliska ee masaarida ah
wili waxa soconayaa mudaharaadka kasoconaayay dalka masar.  lakiin caawa  wuu kaduwan yahay mudaharaadka kii hore   u soconaayay, sababtoo ah  caawa ka kasocdo ayey ugu macna dareen mudaharadkii l.agu sagootiyayay Mubaarak
lasoco wixii warar ah ee ku sookordha iscasilaada madaweyne mubaarak ee dalka masar

Dalka Masar oo caan ku noqday inay Milaterigu xukunka la wareegaan ayaan la saadaalin Karin sida ay xaalada siyaasadeed noqonay, isla markaana waxa jirta cabsi soo waajahday dalalka reer galbeedka iyo Israaiil oo indhaha ku haya xaalada dalka Masar oo ay ka cabsi qabaan inay xukunka la wareegaan kooxo dhulka ku tuura danohooda siyaasadeed iyo qorshayaashooda, iyadoo ay jiraan kooxo mayal adag oo lug weyn ku leh siyaasada dalka Masar, kuwaas oo la rumaysan yahay inay qayb ku lahaayeen kacdoonada dhowrka todobaad ka socday halkaa ee sababay inuu Madaxweyne xusni Mubaarik oo mudo soddon sannadood ah ka talinayay dalka Masar.  wixii kasoo kordha xaalada dalka Masar kala soco halkan

Araweelonews Mobile
caasimada qaahira ee dalka masar
www.araweelonews.com  Office
E-mail info@araweelonews.com
Xasan Raawi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *