Hargeysa(ANN) Qaar ka mid ah Culimada culimada Somaliland ee gobolada Hargeysa, Togdheer iyo Awdal, isla markaana lala xidhiihdiyo kooxhaha mayalka adag ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xaalada deegaanka buuhoodle ee kalshaale, balse dhawaaqa kooxda culimada ah ayaa

bulshada somaliland ku abuuray dareen. Kadib markii ay baaqooda ku sheegeen waxay ugu yeedheen  dhinacyadii ay dhawaan dirirtu ku dhex martay deegaanka Kalshaale.
Iyadoo xiisada deegaanka kalshaale oo markii hore ka bilaabantay laba beelood oo dadka deegaanka ah ay markii danbe isu rogtay weji kale oo dagaal. Kadib markii ay ciidamada qaranka Somaliland ee la geeyay halkaa si ay nabada u ilaaliyaan ay kusoo duuleen kooxda malayshiyada nabad diidka ah ee la baxay SCC oo taageero ka helaya dhinaca maamulka Garoowe ee xarunta Budhacad badeeda xeebaha Somalia, kuwaas oo taageero hub iyo saanad Milateri ka helay dawladda Eretria oo qayb ka ah qalalaasaha koonfurta Somalia.

Kooxda Culimada ah ayaa  soo jeediyay in sida ugu dhakhsaha badan ay labada dhinac u soo afjaraan colaada isla markaana ka toobad keenaan. Laakiin may xusin labada dhinac kuwa ay yihiin.

Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo ka mid ah culimada Somaliland ee lala xidhiidhiyo kooxhaha Mayalka adag oo u hadlayay kooxdaa ayaa sheegay inay culimo ahaan  ka damqadeen colaadda ka taagan halkaa, wuxuuna tilmaamay in xiligan  oo lagu jiro abaaro aanay haboonayn in dhiiga muslimiinta lagu daadiyo wax aan  buurnayn.

Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo kooxdiisu waxay  sidaa ku sheegeen  shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen huteel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku sheegeen in  dhinacyada halkaa isku hayaa wixii is faham waa ah ku dhameeyeen wada xaajood.

Sidoo Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu sheegay  inay ka tacsiyadaynaan qoysaskii ay ka dhinteen dadkii lagu laayay colaaddaa, waxaanay illaahay uga baryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

“Waxa aanu ku baaqaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro colaadaha, waayo haddii ay sii socdaan iyada oo lagu jiro wakhti abaaro ahaa illaahay ayaa inoogu cadhoonaya” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Geedi.

Dhawaaqa kooxda  culimada ah  ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay ka soo saaraan xaalada  deegaanka Kalshaale oo xiligan isu rogtay muran  siyaasadeed. Kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan halkaa Malayshiyada nabad diidka ee la baxay SSC oo taageero iyo saanad milateri ka helay dhowaan dalka Eretria, taas oo loo soo mariyay maamulka garoowe ee xarunta Budhacad badeeda , isla markaana waxa shaki iyo dareen ku abuuray. Kadib markii ay ugu baaqeen kooxdani salaadiinta, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha Bulshada inay si deg deg ah kulan uga yeeshaan xaalada dalka. 
Si kastaba ha haatee dhawaaqa kasoo yeedhay kooxda sheegatay culimada ayaan ilaa hada la fahmin ujeedada iyo nuxurka rasmiga ah ee uu xanbaarsan yahay, isla markaana kuma ay cadayn baaqooda dhinacyada ay ugu baaqeeb nabada kuwa ay yihiin, taas oo shaki iyo dareen ku abuurtay bulshada.

Araweelonews Mobile
www.araweelonews.com  Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *