Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay eedo ka soo yeedhay Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo UDUB, kuwaas  oo naqdiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qeyb galay shir dalka ingiriiska lagu qabtay

 

oo lagaga hadlayay caqabadaha haysta nabadeynta Soomaaliya, shirkaasi oo ay goob joog ka yihiin qaar ka mid ah dalalka dariska oo ay Somaliland ku jirto.

 

Sidaana  waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu galabta ka soo saaray Magaalada Hargeysa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo  qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Baahida ugu weyn ee uu maanta dalkeenu u ooman yahay waa aqoonsi  uu ka helo  caalamka Ummada Reer Somalilandna  waxay xukuumadooda u igmadeen inay Beesha caalamka ka raadiso Ictiraafka kuna soo bandhigto qadiyadeena fagarayaasha  caalamku  isugu imanayo.

Todobaadkii ina dhaafay waxaa lagu qabtay magaalada landon ee cariga ingiriiska shir ay kasoo qayb-galeen dawladaha ee daneeya arinta Somaliya Sida   Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Swedan, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ururka Midowga Afrika iyo Hay’addo kale duwan. Iyo wadamada mandaqadda aynu ku nool nahay ee ay arimaha somaliya ka socdaa ku leedahay saamaynta tooska sida Itopiya,Somaliland,Kenya iyo Uganda.

Shirkaasi ma ahayn mid la isugu keenay kooxaha Somaliya laguna heshiisiinayo,  ama dawlad loogu dhisayo  sida shirarkii Adis Ababa Carta , Imbagati ,Ildooreed, iyo kii u dambeeyay ee Jabuuti , shirkaasi Somaliland waxa loogu marti qaaday si madaxbanaan oo la mid ah sida ay uga soo qaybgaleen Dawladaha kale ee Daneeya arimaha ka socda mandaqan Geeska Afrika.

Tallaabadani waxa ay ahayd Fursad qaali ah oo aynu helay si aynu ugu soo bandhigno qadiyadeena,waxa aynu qabsanay , iyo culayska iyo saamaynta ay inagu hayso qalalasaha ka taagan Somliya oo aynu gacan qabasho uga baahanay beesha caalamka sidii aynu isaga moosi lahayn dhibaatadooda ,xalna loogu heli lahaa mushkiladooda.

Wasiirka Arimaha dibada Dr. Maxamad Cabdilahi oo shirkaa ka qayb galayna wuxuu gudanayay waajibkiisii shaqo ee uu uxilsaaraa ummaduna waaanan ku bogaadinayaa.

Xisbiyada mucaaaraadka ah loogama fidhiyin inay abuuraan xaalado aan jirin oo bulshada lagu majaro habaabinayo, laguna wiiqayo midnimadooda  isla markaana lagaga been sheegayo ujeedada ay beesha caalamku ka lahayd qabashada shirkaas .

Xilligan oo Deegaano  dalkeena ka mid ah ay ka dhisaalan tahay  colaad ay ka huriyeen kooxo nabadiid ah oo cadaw ku ah jiritaanka Somaliland iyo nabad

kuwada noolanshaha shacabka reer Somalianad, ummaduna ay meel uga soo wada jeedo shaqaaqadaas iyo gurmadka abaarta baahsan ee dalka ka jirta. Arimahaas oo ubaahan in lagaga baxo midnimo iyo wadajir.

Xukuumadaydu waxa ay aaminsan tahay kuna hogaamisaa dalka dhaqankii aynu ku soo caano maalay ee ahaa wada tashiga  sidii aanu  shalayba ugu yeedhanay madaxda xisbiyada , madax dhaqameedka  iyo wax garadka bulshada , mana jirto wufuud caalamka ka timi oo codsatay una  socotay inay la kulllanto xisbiyda mucaaraadka oo la iska hortaagay

Ugu dambayn aniga oo ku aamanaya  shacabka  Somaliland dareenka wanaagsan iyo midnimada ay ku garab taagan yihiin qaranimada iyo dawladnnimadeena  waxaan ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax kasta oo wadajirkiina wiiqaya.

Midna waa iga xasuusin Xukuumada Somaliland sinaba uga qayb galayso shirarka lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland ninka ku eedeeyaana waa nin  isyeelyeelaya dafirsan taariikhda waxaanse ku kalsoonahay inuu shacbigaygu ogyahay .Xisbiyada qaranka iyo madaxdoodana waxaan usoo jeedinayaa inay bisayl siyaasadeed u yeeeshaan ka midho dhalinta qadiyada Somlalianad iyo sida uu dalkeenu uga heli lahaa aqoonsi buuxa beesha caalamka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *