Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-madaw Oo Markii U Horaysay La Dhegeystay,Dooddii  Qareenada  Difaacayay Iyo Dareenkii Ku Xeernaa Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa  maanta dacwadiisa dib looga bilaabay Maxkamadda Gobolka Hergeysa . kadib markii uu mudo afar bilood ah ku xidhnaa xukun la’aan xabsiga dhexe

 

ee Hargeysa.
Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayaa dib u dhac ku yimi bishii May. Kadib markii Qareenada difaacayay ka baxeen inay difaacaan, taas oo ay ku sababeeyeen dacwad oogayaasha xeer Ilaalinta ka socday oo u hogaansami waayay go’aan garsooraha maxkamaddu ugu sheegay inay is waafajiyaan eedaha Boqor Cismaan ee dacwadaa iyo qodobada ay u cuskadeen, balse markii ay fadhigii labaad lasoo noqdeen ay ka baxeen qareenadu, iyagoo ku dooday in dacwadaa la siyaasadeeyay.
Boqor Buur-madaw, oo markaa ka dib Maxkamaddu u yeedhay, ayaa diiday bishii May ee lasoo dhaafay  inuu horyimaado, isagoo ku dooday inaanu kusoo laabanayn ee uu xabsiga ku jirayo ilaa inta uu ka arkayo maxkamad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan siyaasada, wuxuuna ka dalbaday in xukunkiisa loogu keeno xabsiga,  balse maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu qanciyay Boqor Buur-madaw inuu kusoo laabto maxkamadda, iyadoo qareeno cusub uu dalbaday,  waxaana saaka dacwada Boqor Buur-madaw dib uga bilaabanatay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Qaar ka mid ah ehelada Boqor Cismaan ee saaka ka qaybagalay dacwadaa, ayaa sheegay in Garsooraha Dacwada qaaday Cismaan fanax, uu  ka dalbaday xeer ilaalinta inay keenaan markhaatiyo kiiska loo haysto Boqor Buur-madaw,waxayna xeer Ilaalintu ka dalbatay maxkamadda in saman yeedhis ah loo diro dhawr ka mid ah warbaahinta Somaliland oo markhaatiyo loo qabsaday,  iyadoo ay meesha ka baxeen eedaymaha qaarkood oo ahaa inuu Boqor Buur-madaw abaabulayay inqilaab ka dhan ah xukuumadda Somaliland. sida ay xeer ilaalintu dacwadeeda hore ugu sheegatay. Waxaana kiiskaa mar kale loo mudeeyay maalinta Arbacada ee fooda inagu soo haysa.
Badhatmihii May 2012, ayay ahayd markii ay  qareenada u doodayay Boqor Cismaan Buur-madaw ka baxeen  inay difaacaan  kiiskiisa, isagoo dhiniciisa sheegay  waqtigaa Boqor Buur-madaw inaanu kusoo laabanayn Maxkamadda ilaa inta uu arkayo garsoor Cadaaladda oo ka madax-banaan siyaasada,  balse garsooraha kiiskaa hayay  ayaa  fadhigii sadexaad ee dacwada mudeeyay  mar kale.  Laakiin Boqor Buur-madaw wuxuu ku adkaystay inaanu hor imanayn  maxkamadda ee ay xukunkeeda soo saarto oo uu xabsiga ku jirayo.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo mudo ku dhow Afar bilood hada ku jira xabsiga,  ayaa  ciidamo Boolis ahi ka qabteen  Badhtamihii March xili uu dalka kusoo laabanayay madaarka Hargeysa, waxaana tan iyo waqtigaa  soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo horaantii May  kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *