Hargeysa(ANN)Madaxweyne  Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday qaramadda Midoobay xafiiska u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda  oo socdaal ku yimid magaalada Hargeysa. sidaana

waxa lagu sheegay warsaxaafadeed  qarsiraga Madaxtooyadu ka soo saartay kulankaa ka dib, kaas oo   u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti balaadhan oo

ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad badeeda ee heer caalami. Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la dagaalanka budh cad-badeeda Caalamka Mr. Thomas Winkler iyo laba xubnood oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Africa ee UNDOC iyo Shamus Mangun la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC. Socdaalka waftigan ayaa daba socday wafti hore u yimid dalka Somaliland oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee la dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan UNODC, YURY FEDOTOV oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal ku yimid caasimada Somaliland ee hargaysa,isla markaana la kulmay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo), Waftigan ayaa ujeedadiisu tahay inay dhamaystiraan waxyaabihii hore qabyada uga ahaa kulankii waftigii hore ee uu hogaaminayay Mr. FEDOTOV oo ku saabsanaa dedaalka caalamku ugu jiro la dagaalanka budh-cad badeeda iyo qaab-dhismeedka loo fulinayo hawlaha la xidhiidha la dagaalanka budh-cad badeeda.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland.
By,  Arraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *