Dubai (ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta ka degey dalka Imaaraadka carabta, iyadoo losoo dhoweeyay si heer maamuus qaran ah, waxaana madaxweynaha iyo wefdiga la dejiyay huteelka caanka ah ee

interconnector  Abu Dubai. Madaxweyne siilaanyo  oo  saxaafada u sheegay ka hor intii aanu ka duulin magaalada Berbera ayaa sheegay inuu booqan doono dalalka Kuwait iyo Imaarada Dubai oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.
Madaxweynaha  Siilaanyo iyo wefdigiisa waxa  dalka Imaaraadka ku sugayay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo dhowaan kasoo laabtay kulan mihiim ah oo uu kaga qaybgalay dalka Britain, wuxuu mudadii uu ku sugnaa dalka Imaraadka kulamo la yeeshay   masuuliyiinta Imaraadka ee Hay’ddaha dalkaa ee Korontada iyo Biyaha.
Madaxweyne siilaanyo ayaa  sida ay sheegayaan warar u dhuun daloola socdaalkiisa waxa  uu Dubai kula kulmi doonaa company Chine ah, kaas oo la filayo  inuu heshiis la galo, iyadoo  companygaa  Chinaha  ah la siiyay qandaraaska dhismaha wadada mashruuca corridor  ee isku xidhaya dekedda Berbera iyo dalka Ethiopia, kaas oo ujeedadiisu tahay sidii badeecadaha ganacsi  ee u gudbaya dalka Ethiopia. Mashruuca    Berbera Corridor, waxa kale oo ku jira in la balaadhiyo Dekedda Berbra, kaas oo la filayo in la bilaabo sannadka fooda inagu soo haya ee 2012, iyadoo  ay bixinayso kharashka mashruucaa ku baxaya  midawga Yurub (EU) , waxaana  lagu qiyaasay inay ku baxayso  lacag dhan $ 5.4 million oo dollarka maraykanka ah.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa la filayaa inuu ka qaybgalo kulan caalami ah oo April 18-19 ka dhacaya Dubai, kaas oo ujeedadiisu tahay sidii xal loogu heli lahaa mushkilada budhcad-badeeda ee gobolka,  isla markaana dhaqaalle loogu ururin lahaa wax lagaga qabto dhibaatada Budhacad-badaha  Somalia, taas oo dhibaato weyn oo dhinaca dhaqaallaha iyo amaanka ah ku haysa gaadiidka isaga goosha aduunka ee mara marinka gacanka cadmeed iyo gebi ahaanba badweynta India.  Kulankaa oo la filayo inay kasoo baxaan qorshayaal wax ka taraya mushkilada budhcad-badeeda , waxa ka qaybgelaya ku dhowaad laba boqol oo qof, kuwaas oo ka socda  wasiirada arrimaha debeda ee dalal baddan oo aduunka ah, wakiilo ka socda qaar ka mid ah dawladaha aduunka ee danaynaya sidii wax looga qaban lahaa mushkilada Af-duubka maraakiibta, wakiilo ka socda qaramada midoobay oo iyadu qayb ka ah qabanqaabada shirka . Sidoo kale waxa ka qaybgelya maalqabeeno waaweyn oo ka socda shirkado caalami ah iyo Companyo , taas oo fursad weyn u ah somaliland sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Imaraadka oo loo soo gaabiyo WAM.   Waxaana lagu wadaa  in kulankaa oo isu taga  imaraada UAE oo xiligan ah Deked caalami ah, isla markaana noqotay xarun ganacsi oo caalami ah, ku soo bandhigto qorshaha balaadhinta marinka ganacsiga ee badda cas iyo aduunka kale oo ay hada xudun u tahay Dubai.
Dhinaca  Madaxweyne Siilaanyo  iyo wefdigiisa ayaa booqashadooda labadaa dalka oo laba todobaad qaadanaysa la filayay inay dalka Imaraadka ee Dubai uga sii gudbaan dhinaca dalka Kuwait, halkaas oo sida wararku sheegaan ay kulamo kula yeelan lahaayeen masuuliyiinta dalka Kuwait iyo shirkada shidaalka ee    Kuwait Energy Company (KEC), taas la doonayo in lagu wareejiyo baloogyadii ay hore u haysteen   labada shirkadood ee  shidaalka maraykanka  ee  Chevron iyo  Amoco, kuwaas oo hore samahin dhinaca shidaalka ah uga samayeey Somaliland xiligii nidaamkii milateri ee siyaad Barre sideetanaadkii. Balse dalka ka cararay  markii ay dhaqdhaqaaqii SMN ee uu hogaaminayay Madaxweynaha maanta ee Somaliland Axmed Siilaanyo dalka soo galeen.
Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ay wax iska bedeleen booqashadii dhinaca dalka Kuwait oo ay dib u dhacay, iyadoo ay dawladda Kuwait ku war gelisay wefdiga madaxweynaha inay kulanka booqashadooda dib u riixeen. Sidaa awgeed wararkaa ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu ku koobnaan doonto waqtigan dalka Imaraadka ee Dubai. markaa ka dibna dalka dib  ugu soo laaban doonaan, iyadoo safarka dhinaca dalka Kuwait hakad ku yimi oo xili kale dib loogu dhigay.
Dawlada Kuwait ayaa Somaliland siisay mashruuc &10 million oo dollar ku kacaya oo wax lagaga qabanayo madaarada iyo wadooyinka dalka, waxayna hada qorshaynaysaa inay caawimooyin ka geysato dhinaca horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada Somaliland, taas oo qayb ka ah waxyaabaha Madaxweyne SIilaanyo iyo masuuliyiinta dalka Kuwait doonayeen inay ka wada hadlaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *