Hargeysa(ANN) Madaxweyne xigeenka Somaliland, isla markaana   ah ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) ayaa saaka barqadii kormeeray xarumaha Hay’adda korontadda  ee Hargeysa iyo xarunta Agoomaha. Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, waxa

uu ka bilaabay kormeerkiisa Hay’adda Korontada Dawlada ee hargeysa, isagoo kusoo wareegay dhamaan qaybaha   kala duwan ee dhismaha xarunta Korontadda,  Maareeyaha Hay’adda Korontada Dawlada, Maxamed Axmed Aadan (Weli-xaawo).
ayaa Madaxweyne xigeenka  siiyay warbixin uu ku sharaxayo  qaabka ay u shaqayso, baahiyaha iyo duruufaha shaqo ee ku gedaaman iyo halka ay wax marayaan.  Mr. Weli Xaawo oo laba todobaaad ka hor  xilka Hay’addaa la wareegay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu kala kulmay baylahda qabyo ee ka jirtaa iyo  inta caqabadaha hor yaal.
sidoo waxa uu Madaxweyne xigeenka  uga waramay sida aanay hawl-wadeenada Hay’adda korontadu dadweynaha uga soo ururin lacagta, isagoo xusay inay dad badani u haystaan in aanu lacag ahayn Laydhka Dawladu oo ay ula bexeen “Laydhkii Illaahay”. Sidaana ay lacag badani kaga baaqato.  Laakiin waxa uu sheegay  Mareeyaha Hay’adda Korontadu inay  qaadi doonaan talaaboyin wax ku ool
ah oo wax lagaga qaban doono qaabka shaqo iyo dhaliilaha ka jira Hay’addan.

“Waa Hay’ad Madaxbanaan oo Qaranku leeyahay, waxa haboon in aad si cadaalad ah oo xaq ah ugu maamushaan shaqaalaha iyo dadweynaha labadaba, isla markaana,waad u madaxbanaan tihiin in aad talaabo wax ku ool ah ka qaadaan wax kasta oo ka horimanaya shaqadiina.” Sidaa waxa yidhi
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici). Oo la hadlayay Maareeyaha Hay’adda Korontada ee Hargeysa.

Sidoo kale Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, wuxuu kormeer kusoo maray xarunta Agoomaha ee hargeysa, iyadoo ujeedada kormeerka lagu sheegay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada nololeed ee xarunta Agoomaha Hargeysa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *