Berbera (ANN)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa la xaqiijiyey inuu nin ugaadhsade ah oo u dhashay dalka Kuwait siiyey raxan ugaadh ah oo tiradooda lagu sheegay 11, kuwaas  oo ka mid ahaa  ugaadha duurjoogta Somaliland. Ugaadha Badhasaabku
bixiyey oo ka kooban 8 sakaaro iyo 3 xayawaanka loo yaqaan Calla-kudda, kuwaas oo abbaaro 2:00 duhurnimo ee 2dii bishan April 2011 laga dhoofiyey Madaarka magaalada Berbera.
Sida ku cad dukumantiyo qaylo-dhaan ah oo ay Taliyaha Qaybta Booliska Saaxil, Isuduwaha Degaanka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Degaanka ee gobolkaas iyo Agaasimaha Waaxda Duurjoogta iyo Shimbiraha ee wasaaraddaasi ka soo saareen dhacdadaas, iyadoo dhammaan qoraallada masuuliyiintaas lagu bayaamiyey in Guddoomiye Ramaax ammar ku bixiyey in faraha laga qaado ugaadhaas iyo ninka Carbeed ee watay, kadib markii ay muddo saacad iyo badh ah ku xayirnaayeen gudaha Madaarka Berbera ka hor intii aan halkaas laga dhoofin.
Weriye ka tirsan Jamhuuriya oo arkay dukumantiyada masuuliyiintaas oo dhammaantood ku taariikhaysan 3 April 2011, isla markaana lagu socodsiiyey Agaasimaha Guud ee Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Degaanka, waxa lagu caddeeyey in Badhasaabka Gobolka Saaxil awood aannu xaq u lahayn ku bixiyey ugaadh qaranka Somaliland leeyahay oo tiradoodu dhan tahay 11 neef – 8 sakaaro iyo 3 Cali-kudood, kuwaas oo sida qoraallada ka muuqata uu dalka ka dhoofiyey nin ugaadhsade ah oo u dhashay dalka Kuwait, balse aan magaciisa lagu xusin.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa hore u deedafeeyey eedaymo Agaasimaha Guud ee Degaanku ugu jeediyey bixinta ugaadhaas, waxaannu sheegay habayaraatee in aanay jirin wax ugaadh ah oo uu cid siiyey amma ka dhoofay Madaarka Berbera, isagoo sidoo kalena eedaymahaas ku tilmaamay been-abuur cad iyo karaamo-dil lagula kacay shaqsiyadiisa, isla markaana  kuna hanjabay inuu agaasimaha dacwad ku soo oogi doono.
Dhinaca kale Shebekada wararka ee Araweelonews ayaa waraysi uu todobaadkii hore siiyay Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, qaybta  Dhirta Deegaanka Miyiga  Iyo duur-joogta Maxamuud Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh), oo sidoo kale lagu baahiyay wargeyska jamhuuriya  waxa uu ku sheegay in badhsaabku bixiyay Ugaadh laga dhoofiyay madaarka Berbera. Balse badhasaabka ayaa ku dooday in aanu bixin ugaadha lagu eedeeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *