Muqdisho(ANN)Baarlamaanka dawlada taagta daran ee Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Raysal wasaaraha cusub ee Somalia oo uu dhowaan magcaabay Madaxweyne Shariif.  Kadib markii lasoo gaba gabeeyay khilaafkii u dhexeeyay

 Hogaanka Dowladda KMG ah iyo Baarlamanka ee ka dhashay qaabka loogu codaynayo Raysal wasaaraha.
Fadhi  muhiim ahaa oo ay xildhibaanada baarlamankaSomalia  maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay codka kalsoonida si aqlabiyad leh u siiyeen R/wasaare Max’med C/laahi Farmaajo.
Gudoomiyaha baarlamanka shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan khilaaf kala dhexeeyey madaxweynaha ayaa maanta fadhigga gudoominayay,  wuxuuna mudanayaasha ka hor sheegay in qaab gacan taag ah lagu meel mariyo R/wasaaraha cusub.
Ka hor Intii aanu  kulanku furmin ee aan Raysal wasaaraha  loo qaadin codka kalsoonida waxaa hadlay Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Shakuur oo hogaaminayay  Xildhibaanadii diidanaaa in Raysal wasaaraha qaab gacan taag ah loo ansixiyo.
C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa madasha ka  sheegay in uu ka noqday  mucaaradadii uu u hayey Raysal wasaaraha si meesha looga saaro muranka iyo is mari waaga hogaanka dowladda.
Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha cusub  Maxamed  Cabdullaahi (Farmaajo), waxaa ansixiyay 297 cod,  halka 92 cod diideen, iyadoo ay  ka aamustay 2 mudane,  sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan.
Ra’iisal wasaaraha cusub oo uu hore u magacaabay Madaxweynuhu, waxaa cod u qaadistiisa ka dhashay khilaaf aad u weyn oo baarlamaanku ku kala qeybsamay in codku ahaanayo gacan taag iyo in uu ahaanayo qarsoodi.
gacantaag mudanayasha wata oo uu horseed u ahaa Madaxweynuhu ayaa waxay dagaal siyaasadeed la galeen kooxda wadatay codka qarsoodiga oo uu horkacayay Guddoomiyaha Baarlamaanku.
Guddoomiyuhu wuxuu ku doodayay in gacantaagga ay weydiisteen xubno ka tirsan baarlamaanka, sida xeer hoosaadku qabana tooda la raacayo.
Dhinaca kale Raysal wasaaraha la ansixiyay ayaa waraysi uu siiyay Idaacada VOA laanteeda Af-soomaaliga ku sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan usoo dhishi doono dawlad ka duwan kuwii hore, isla markaana uu wax ka qabanayo dhinacyada nabadgelyada, horumarka  iyo dib u heshiisiinta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *