Hargeysa(ANN) Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddidii ka hortaga abaaraha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubnihii Wasiirrada ee gudida abaaraha ayaa maanta tafaasiil ka bixiyay qaabkii ay u maamuleen dhaqaalihii laga soo ururiyay dalka

gudahiisa iyo dibadiisaba ee loogu tallo galay gurmadkii biyo dhaamiska Abaaraha.
Madaxweyne  xigeenku  waxa uu sidaa  ku sheegay kulan  saxaafadeed oo ay maanta si wada jir ah u qabteen Guddida abaaraha ee maamulayay hawshii gurmadka iyo biyo dhaamiska.
Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Guddoomiyaha Guddida abbaaraha qaranka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici) oo ka hadlay hawshii gurmadka abaaraha iyo biyo dhamiska waxaanu yidhi “Waxaanu nahay Ha’yada ka hortaga aafooyinka qaranka, Wasiirradan halkan fadhiyaana waa Gudidii abaaraha qaranka oo la shaqeynaya Ha’yada aafooyinka dabiiciga ah, sidaad la socotaan waxa ina soo maray dhibaatooyin badan oo abaaro iyo biyo la’aan ah, markaa Ha’yaddu sanadkan waxay qabatay hawl aad u badan. Waxaanu markii hore abaabulay in markii dhibtii biyo dhaamiska iyo abaartu dhacday waxaanu abaabulay inay ummadda reer Somaliland isku tashato gudaha iyo dibadaba aad iyo aad ayay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba uga qeyb galeen gurmadka biyo dhaamiska.”
Madaxweyne Ku Xigeenku waxa uu sheegay inaanay Ha’yadaha caalamiga ah ka helin kaalintii ay ka rabeen inay ka qaataan gurmadkii biyo dhaamiska ahaa isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ha’yaduhuna inkasta oo aanaan wixii aanu ka filaynay ka helin, haddana dhinacooda ayay ka wadeen hawsha, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadkii ka qeyb galay gurmadka biyo dhaamiska gudo iyo dibadba gaar ahaan ganacsatada waaweyn oo gacan balaadhan ka geystay.
Jaaliyadaha dibada waxaan ka tilmaami karaa Jaaliyada Austareeliya oo aan ka tilmaami karo Milbone oo ahayd cidii koowaad ee lacag buuran soo dirta ahayd, waxa kale oo aan ka tilmaami karaa gobolka sharqiya la yidhaahdo ee dalka Sucuudiga oo $ 1, 860 dollar soo diray, jaaliyada Abu dubai oo muwaadiniin is xil qaamay ay $, 3000 oo dollar soo direen. Dalka gudihiisa si weyn ayaa looga qeyb qaatay oo xataa ardaydii ayaa mususaacahoodii kaga qeyb galay, shaqaalaha dawlada ayaa iyaguna mushaharkoodii wax uga jaray biyo dhaamiska. Waxaan uga mahad celinayaa shaqaalaha Ha’yada Save the Children fund oo ah ha’yaddii u horaysay ee ka baxsan shaqaalaha dawlada oo ka qeyb qaatay gurmadka abaaraha waxaana naga soo gaadhay 415 dollar.”

Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu si weyn ugu mahad celiyay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska oo uu xusay inay kaalintii ugu weynayd ay ka qaateen hawsha biyo dhaamiska, isagoo yidhi,  “Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska oo ah jaaliyada lacagta ugu badan soo bixisay marka la isku geeyo lacagaha jaaliyadaha dibada. Lacagtaasi maanu taataaban waxay jaaliyadda Somaliland nagula balameen in lacagtaasi sal looga dhigi lahaa oo xorfad yarna ha noqotee biyo xidheeno ama dhaamam dalka looga hirgelin lahaa, Anaguna (Guddi) ahaan waanu ku raacnay arrintaasi ay ku soo talliyeen waxaana aanu lacagta ay soo bixiyeen aanu saldhig uga dhigaynaa sidii biyaha loo qaban lahaa. Waxaanay balan qaadeen inay lacago joogto ah ay u soo diri doonaan,”ayuu yidhi C/Raxmaan Saylici.
“ILAAHAY wuxuu dhawaan inoo shubay raxmaadkiisii markaa biyo dhamiskii halkaasi ayuu jabay oo waxaan odhan karaa dhulkii ay biyuhu dhibaatada ku hayeen 90% roobkii wuu ka da’ay waxaanan ugu mahad naqaynaa ILAAHAY oo inoo soo naxariistay iyadoo dhibaatadii abaartu ay wali xoog u jirto gaar ahaan deegaanka gubanka layidhaahdo aanu wali wax roob ahi ka da’in,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Saylici.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire oo ka hadlay shirkaasi wuxuu sheegay in si ka duwan sidii hore ay shacbiga Somaliland u galeen heer qaran gurmadka biyo dhaamiska Abaaraha, waxaanu u mahad celiyay dhammaan dawlad, shirkado, muwaadiniin iyo qurbo jooga Somaliland ee kaalinta ka geystay taageeradii loo fidinayay dadkii abaaruhu tabaaleeyeen.
“Dadweynaha waxa ka yimid lacag dhan 270 Kun oo dollar, dawlada dhexe waxa ka yimid lacag gaadhaysa$ 150, 000  kun oo dollar, shaqaalaha iyo Golayaasha qaranka waxa ka yimid $ 157, 000 ,   kun oo dollar, shirkada Al-jaabiri waxay bixisay $ 300, 000,  oo kun oo Dollar wadarta lacagtaasi waxay noqonaysaa $ 878, 000  kun oo dollar ayay noqonaysaa.lacagtaasi badidoodu waxay ku baxday gurmadkii biyo dhaamiska oo loogu tallo galay, waxaana hawshii biyo dhaamiska gobol walba ka qeyb gashay Guddida abaaraha,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranku
Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayay sidii goboladdu ay u kala heleen gurmadii biyo dhaamiska wuxuu yidhi “Gobolka Togdheer ayaa gurmadkii biyo dhaamiska ugu balaadhnaa waxaana ku baxay 193900,000 oo Dollar, gobolka Sool waxa ku baxday 168,820 Dollar, Gobolka Maroodi jeex waxa ku baxay $147,000  kun oo Dollar, Gobolka Sanaag waxa ku baxday $ 138,000 kun oo dollar, labada gobo lee Saaxil iyo Awdal ee xaga Badda xiga ee buuraha in kasta oo biyo la’aani jirtay hadana way ku yarayd, sidaasi awgeed gobolka Awdal waxa ku baxay $ 66,264 Dollar halka gobolka Saaxilna ay ku baxday $ 48, 000,  kun oo Dollar.
Hawshii biyo dhaamisku way inaga dhamaatay laakiin waxa inoo taalla sidii aynu uga gaashaaman lahayn biyo la’aanta sanadka soo socda waana aynu iskugu soo noqon doonaa dadweyne iyo dawladba.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , waxaanu ka warbixiyay socdaalkii weftigii Wasiirrada ahaa ee uu hoggaaminayay ay ku tageen dalka Ingiriiska waxaanu si weyn ugu mahad celiyay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska oo uu ku tilmaamay kuwo usoo jeeda  horumarka dalkooda.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dr Xuseen Cabdi Ducaale oo hadal  kooban ka jeediyay halkaa ayaa  sheegay in xiligan ahmiyada ugu weyn ee lagaga gaashaaman karo biyo la’aanta iyo abaaruhu ay tahay sidii loo qaban lahaa biyaha roobka ee badda ku dhaca sannad walba.  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa ugu danbayntii  waxa uu Madaxweyne Ku Xigeenka ku wareejiyay lacagtii ay ugu soo deeqeen jaaliyada Somaliland ee Britain  oo dhamayd $ 53, 000 kun oo Dollar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *