Hargeysa(ANN) La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee  Arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga u qaabilsan Dr. Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay inuu safar ugu baxayo maalmaha soo socda wadamada Djibouti, qaar ka mid ah dalalka carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka iyo Britain. Sidaana

waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiista la taliyaha arrimaha dhaqaallaha iyo maalgashiga ee Somaliland.
Iyadoo ujeedada socdaalkaa lagu sheegay mid la doonayo in kulamo lagula yeesho ganacsato la doonayo inay maalgashi ku sameeyaan dalka iyo sidoo kale talooyin lagaga ururinayo jahliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamadaa oo la xidhiidha sidii maalgashi loogu samayn lahaa dalka.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska La taliyaha Madaxweynaha ee  dhinaca dhaqaallaha iyo maalgashiga ayaa u qornaa sidan;- “Si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Soomaliland leyskuna xidho debed iyo gudaba, waxa aynu goosanay inaynu damaashadka 18 May ee sanadkan lagu qabto si heer sare ah meel kasta ooy joogaan jaaliyadda Soomaliland. Waxa iyana barbar socota talo-uruurin iyo wadatashi laga yeesho dhismaha dhaqaale iyo horumarinta bulshada. Waxa hubaal ah in iskaashiga bulshada gudaha iyo debeddu yahay mid lagu dhisi karo joogtaynta xidhiidhkooda, taasina ay ku imanayso wado-tashiga ay wadaan mas’uuliinta xilalka kala duwan inoo haysa. Taas oo lagaga midho dhalin karo aqoonta, iyo hantida dadakeena ee daafaha dunida ku kala baahsan.
Iyadoo taas laga duulaayo, ayuu La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashigu Mudane Axmed Xasan Carwo uu maalinta sabtida ah ee 14 May 2011Air Djibouti, uu u ambabaxaaya dalka Imaaradka Carabta Insha Allah, isagoo ka qaybgalaaya damaashadka sanadguurada 20naad ee xorriyadda Somaliland. Waxa muddada uu joogo uu la yeelan doonaa Jaaliyadda shirar wadotashi iyo xogwaran ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxa Axmed iyana uu u gudbi doonaa dawladda Qadar iyo dalka U.K. isagoo meel kastaba ka geli doona shirar uu qurbajooga iyo ciddii danaynaysa arrimaha maalgashiga dalkeena la kulmi doona. Ugu dambaynta Axmed waxuu u gudbi doona U.K. La-kulanka Jaaliyadaha magaalooyinka U.K, waxa u wehelisa qorshe uu kula kulmi doono masúuliyiin ka tirsan dawladda U.K iyo tan Wales isagoo kala hadli doona xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo U.K iyo kordhinta xidhiidhka dhaqaale iyo maalgashiba ee labada dal.
Guul iyo Midnimo
The office of Somaliland Presidential Advisor on: Economy, Commerce, and Investment.
Ahmed Hassan Arwo
002522 409 6421
Eci.advisor@gmail.com
Eci.advisor@ymail.com
Presidential Palace
Hargeysa

Xaafiiska La-taliyaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Eci.advisor@gmail.com
Madaxtooyada Soomaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *