Hargeysa(ANN) Munaasibad si weyn loo abaabulay oo lagu xusayay sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Somaliland  1993-kii oo ku beegnayd maanta 3 Nov  2011 ayaa lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.Munaasibadaa
waxa ka qaybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, isla markaana xiligan ah ku simaha madaxweynaha  C/raxmaan  Cabdullaahi  Ismaaciil (Saylici), Wasiirro ka tirsan xukuumadda,   xubno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, saraakiisha ciidammada qaybaha kala duwan ee Booliska Somaliland iyo marti sharaf kale oo qaarkood ka socdeen Hay’addaha caalamiga ah ee la shaqeeya Booliska.

Madaxweyne xigeenka  Somaliland C/raxmaan C/llaahi  Ismaaciil (Saylici) oo xafladaa  ka hadlay ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray ciidamada Booliska iyo xaasaskooda oo uu ku bogaadiyay munaasibada sanad guurada 18-aad ee kasoo  wareegtay markii la aasaasay ciidankii u horeeyay ee Booliska Somaliland 3 Nov,  1993.
“Illaahay  Baa Inagu simay inaan joogno dalkeenii oo nabadgelyo ah una dabaal degno munaasibadii 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka Booliska iyo xaasaskooda, Ciidanka Boolisku waa lafdhabarta qaranka waa saaxiibka dadweynaha, waa xuquuq dhawraha dadweynaha, hawsha adag ee aad hadh iyo habeen u soo jeedaan dadweynaha Somaliland iyo xukuumaduba way idiin ogyihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
wuxuuna  sheegay inuu shacbiga uga mahad celinayo siday ula shaqeeyaan ciidamadda ammaanka waxaanu ku dardaaray inay dedaalkooda la xidhiidha adkaynta nabadgelyada ay sii xoojiyaan oo aanay ka daalin.
Madaxweyne xigeenku wuxuu qudbadiisa munaasibadaa ku darsaday  xaalada nabadgelyo daro oo ka dhacday magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag,wuxuuna  ugu baaqay bulshada gobolka Sanaag inay walaaloobaan oo ay meel iska dhigaan colaada iyo nabadgelyodarada, isagoo  yidhi,   “Sidaad la socotaan waxa xalay shaqaaqo ka dhacday magaalada Ceerigaabo waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qabqabsi iyo qabiil faa’iido ma laha, Intii xalay dhimatayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaanu IlAAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo waxaanan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa.”
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay inay kor u sii qaado daryeelka Ciidammada dalka waxaanu  yidhi,  “Waad ogtihiin tallaabada xukuumadu qaaday mudada sanadka ah ee ay mushaharkii u kordhisay ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, waxa la yidhaahdaa kunka Tallaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo . waxaanu ku tallo jirnaa in ciidanka Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay ee ay ka jiraan Budhcad badeed iyo argagixiso.”
Dhinaca kalena wuxuu Madaxweyne xigeenka  Somaliland C/raxmaan Seylici  u soo jeediyay Ciidamada Booliska inay dhawraan xuquuqda muwaadinka oo ay si taxadar leh u qabtaan qofkii dunuub ka gala dalka, isagoo arrintaa ka hadlayana , wuxuu yidhi, “Waxa jirta in waxa aad qaadataan iyo hawshaad qabataan aanay ahayn wax isku dhigma waxaan idin leeyahay in badan baad soo samirteen daryeelka ciidamada kala duwan ee dalku waa wax mar walba ku jirta qorshaha dawladan, waxaan idinku dardaarayaa inaad wadankiina u shaqaysaan, waxa la idiinka baahan yahay inaad xuquuqda muwaadinka ilaalisaan, shacbigana waxaan ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska oo ay u arkaan inay iyaga u adeegayaan.”

Madaxweyne Xigeenku  wuxuu  bogaadiyay Hay’adda UNDP oo uu sheegay inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan dhinaca tabobarka, waxaanu u soo jeediyay  oo  ku booriyay inay ciidanka ka taageerto dhinaca qalabaynta iyo isgaadhsiinta, balse aanay ku ekaan tababarada oo keliya.
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadlay xafladaa ayaa sheegay hambalyo u dirayaan  ciidanka Booliska sannad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii.
Wasiirku wuxuu sheegay inay ciidanka Boolisku u baahan yihiin dib u habayn weyn oo dhinac walba ah gaar ahaan tababarada iyo shuruucda ciidanka, isagoo yiidhi,  “Ciidanka Boolisku Madaxweyne, dib u habayn weyn iyo dib u qaabayn iyo dedaal ayay inaga rabaan, intii lagu daray waa lagu daray inta dhimani waa mid aynu karayno ee talaabo leeg ayaynu sanad walba qaadi doonaa si aynu u dhisano ciidan adag oo amnigiisa lagu kalsoonaado.”

Mr. Duur wuxuu intaa raaciyay “Qabyadeena waynu dhamaystiranaynaaye’e adkaysta oo dedaalkana sii kordhiya,nabada ayaa saldhig inoo ah nabadduna cadow faro badan ayay leedahay. Waxaan qiraynaa in aanay Nabaddii gobolada dalka Somaliland si u wada biyo dhigin gobolada dadkoodii iyo waxgaradkoodii garteen nabada ee gardaadiyay ee ay qaan gaadhay halkan ayaan uga hambalyaynayaa, waxaan tagay gobol ay 35 kun oo arday waxbartaan sadex kun oo ardayna ay jaamacadaha ku jiraan iyo gobol boqolaal ay ka yar yihiin inta wax barataaba.”
Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo warbixin  dheer munaasibadaa  ka jeediyay waxa uu kaga xog waramay waxqabadkii ciidanka Booliska ee sanadkii la soo dhaafay,  wauxuuna ammaan ciidamadiisa oo uu tilmaamay inay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta nabadgelyada dalka.
Munaasibada sanad guurada Booliska, waxa lagu soo bandhigay faldenbiyeedyada dalka ka dhacay sanadkan, kooxda  Fanaaniinta ciidanka Booliska ayaa soo  bandhigay riwaayad masraxeed  si weyn loogu lafo guray  waajibaadka ciidanka Booliska laga sugayo, waxqabadkiisa iyo xidhiidhka dadweynaha iyo Booliska ee dhinaca wada shaqaynta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *