View ciro.JPG in slide show

Hargeysa(ANN)Khabiir u dhashay waddanka Faransiiska oo aqoon u leh baadhitaannada iyo sahaminta macdanaha (Exploration Geologist) oo lagu magacaabo Mr. Mathieu Mazieres, ayaa ka warbixiyey sahamin dhinaca macdanaha (Geological Survey) oo ay Somaliland ka wado shirkad lagu magcaabo

Nubian Gold Corporation oo laga leeyahay waddanka Canada oo ku yaal qaaradda Woqooyiga America.
Khabiirkan u dhashay dalka Faransiiska oo madax ka ah hawlgalka macdan-baadhista ah ee shirkaddaasi waqtigan ka fulinayso Somaliland oo Jamhuuriya ugu warramay shalay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay doonayaan sidii ay u ogaan lahaayeen macdanaha ku jira Somalilad ee ka mid yihiin dahabka, maarta, naxaasta iyo birta Iron-ta loo yaqaanno, isaga oo xusay in wejiga koowaad ee hawlgalladooda oo socon doona muddo afar bilood ah uu ku kooban yahay sahaminta macdanaha iyo in khariidadda la geliyo dhulka macdanaha laga helo.
Khabiirkan Faransiiska ah oo la weydiiyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo hawlaha la xidhiidha samahaminta macdanaha ee ay ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxa aannu sahanka ka wadnaa dhul ballaadhan, arrintana waxay qayb ka tahay sahamin dhinaca macdanaha ah oo adduunka laga wado, waxaanuna nahay khubaro aqoon u leh macdanaha. Waxaannu doonaynaa inaannu ogaano noocyada dhagxaanta iyo ciidda macdanta ah ee ku jira Somaliland, annagoo marka hore diyaarinayna khariidadda dhulka iyo goobaha sahaminta laga wado.
Waxyaabaha aannu doonayno in aannu ogaano waxa ka mid ah dahabka (Gold), maarta (silver), Iron-ta iyo naxaasta (copper), waxaanuna doonaynaa in aannu helno kaydka macdanaha ku jira Somaliland.
Qaabka sahanku u socdaan waxa weeye markaannu tagno goobaha baadhista laga wado waxaannu soo qaadnaa calaamadda [muunadda] waxyaabaha aannu macdana uga shakino ah, kadibna waxaannu keennaa xafiiska Hargeysa oo aannu shaybaadh marino, kadibna noocyada noo soo baxa waxaannu u dirnaynaa shaybaadh weyn oo ku yaal dalka Canada si loo xaqiijiyo macdanimadooda.
Shaqadayadu waxay leedahay laba weji oo kala ah sahaminta oo aannu hadda ku jirno iyo wejiga labaad oo aannu bilaabi doono marka sahankani dhammaado.”
Waxa kaloo khabiirkan la weydiiyey muddada ay dalka ka wadeen sahanka macdanta la xidhiidha gobollada galbeedka Somaliland, waxa uu yidhi; “Wejiga hore wuxuu soconayaa muddo afar bilood ah. Imminka labadii bilood ee hore ayaa noo dhammaaday, waxaanuna ku jirnaa labadii bilood ee dambe. Wejiga koowaad marka uu noo dhammaado ee aannu helno natiijada sahaminta aannu wadno waxaannu wejiga labaad bilaabaynaa bisha February ee sannadka 2012, sidaas ayaanuna hawshayada macdanta baadhista ku wadaynaa.”
Mr. Mathieu Mazieres oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan sababta ay shaybaadh macdanta lagu baadho uga samayn waayeen Somaliland, maadaama ay macdanaha muunadda ah u dirayaan shaybaadho ku yaal Canada si loo xaqiijiyo macdanimadooda, waxa uu yidhi; “Haa, waa laga yaabaa in Somaliland la keeno shaybaadh casri ah oo macdanaha lagu baadho, laakiin ujeeddadayada ugu weyn marka hore waa in la helo macdano kala duwan oo dalka ku jira, marka sahamintani dhammaatana waxaan rajaynayaa in la furo dhul macdanaha kala duwan lagu hayo.”
Dhinaca kale, koox dhallinyaro aqoonyahanno reer Somaliland oo bartay cilmiga macdanta, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga shaqo galay shirkad Canadian ah oo maalgashi macdan-baadhiseed ka wada gobollada galbeedka Somaliland.
Joolajiyiinta reer Somaliland oo haatan si rasmi ah uga hawlgala shirkad laga leeyahay waddanka Canada oo la yidhaa Nubian Gold Corporation oo dhowaan xukuumadda Somaliland la gashay heshiis ku saabsan maalgashi ballaadhan oo shirkaddaasi ku baadhaysto macdanaha kala duwan ee ku duugan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo hadda gobollada galbeed ee dalka ka wada wejigii koowaad ee maalgashigeeda oo la xidhiidha sahaminta macdanaha ku jira degaannadaas.
Dhallinyarada muwaaddiniinta ah oo cilmiga macdanta ku soo bartay dalal kala duwan sida Suudaan, Pakistan, Itoobiya iyo meelo kale waxa ay hadda tirsan yihiin aqoonyahannada ugu muhiimsan ee hormoodka ka ah wejiga koowaad ee maalgashiga sahaminta macdanaha shirkadda Nubian Gold Corporation ka fulinayso galbeedka Somaliland, kaasoo haatan maraya gebagebo.
Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo booqday shalay xarun shirkadda Nubian Gold Corporation ka furatay caasimadda Hargeysa, ayaa halkaas kula kulmay kooxda aqoonyahannada joolajiyiinta waddaniga ah oo tiradoodu dhan tahay ilaa shan xubnood iyo khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo madax ka ah hawlgalka macdan-baadhista ah ee shirkaddaasi waqtigan ka waddo Somaliland, kuwaasoo ka xog-warramay halka hawshu u marayso, iyagoo rajo aad u fiican ka muujiyey in natiijo wanaagsan ka soo baxdo sahamintooda ay ku sameeyeen 607 goobood oo ku kala yaal degaannada galbeed ee waddanka Somaliland.
Khabiirka Faransiiska ah ee madaxda ka ah hawlgallada macdan-baadhista Mr. Mathieu Mazieres oo Jamhuuriya weydiiyey qaabka uu tababarka u siiyo dhallinyarada aqoonyahannada ah ee reer Somaliland ee kala shaqeeya sahaminta macdanta, waxaanu ku jawaabay; “Waxaannu wada shaqaynaa shaqaale reer Somaliland ah oo aqoon u leh cilmiga macdanta (Geologists). Maalin walba waxaannu tagnaa goobaha aannu ka wadno sahanka macdanta la xidhiidha, aniguna waxaan shaqaalaha ka caawiyaa sidii ay hawshooda u gudan lahaayeen iyo qaabka loo sameeyo sahaminta macdanta, sida lagu garan karo dhagaxaanta qaaliga ah iyo ciidda macdanta ah, anigoo ku kalsoon inay shaqadooda gudan karaan la’aantay. Waxa kaloon shaqaalaha baraa sida loo isticmaalo barnaamijyada kombuyuutarka (Software) u khaas ah sahaminta macdanaha.”
Waxa khabiirkani sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay shaqada ay hayaan dhallinyarada reer Somaliland ee aqoonta u leh cilmiga macdanta ee shirkadooda la shaqeeya, isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Aad baan ugu qanacsanahay shaqadooda, waana macdanyaqaanno wanaagsan. Waxaannu nahay qoys qudha oo wada shaqeeya, dhallinyaradan reer Somaliland ee cilmigan (Geology) bartayna aad bay u wanaagsan yihiin oo shaqadooda waan ku qanacsanahay, waana markii u horreysay ee aan Somaliland imaad, runtiina aad baan uga helay dadka aan la shaqeeyo, waanan ku han waynahay,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Mr. Mathieu Mazieres.
Xigasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *