Ceergaabo(ANN) Taliyihii Booliska Degmada Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag  Marxuum Shiine Yaasiin Xiin-Finiin, ayaa geeriyooday caawa kadib markii koox dablay ahi tacshiirad rasaas ah la beegsadeen, isagoo meeel suuq ah wax ka iibsanaya fiidkii caawa. Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan

tiro aan la xaqiijin oo ka mid ah dadkii goobta joogay iyo kuwo la socday sarkaalkaa oo dhaawacyo soo gaadheen.
Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan gobolka Sanaag. Falkaa kadib koox dablay ah ayaa soo weerartay Xaafad ka mid ah magaalada, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah ku furay goob meherad ah, iyadoo sida ay wararku sheegayaan ay halkaa ku dhaawcmeen ugu yaraan laba qof oo kale.
Dilka sarkaalkaa Taliyaha Saldhiga Booliska Fiqi-fuliye eeku taala Koonfurta Ceergaabo  ayaa ka danbaysay aanooyin iyo dilal dadka deegaanka hore u dhexmaray oo aan weli xal laga gaadhin, kuwaas oo ay u danbaysay dilka Taliyihii saldhiga Koonfurta Ceergaabo ee Daallo. Marxuum  Jaamac Axmed Cali ( Jaamac Garmaqaate) oo uu toogtay askari Boolis ah oo ka tirsanaa saldhiga uu madaxda u ahaa bishii August ee sanadkan.
Xaalada amaanka ayaa khal-khal gashay saacad markii uu dilkaasi dhacay, iyadoo tacshiirado rasaas ah oo socday laba saacadood sababeen inay bulshada Ceergaabo ka wer weraan xaalada amaanka, balse ciidanka amaanka ayaa markii danbe arrintaa gacanta ku dhigay, iyadoo magaalada lagu soo rogay bandow.
Xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo  iyo xukuumaddii ka horaysay ee Somaliland ayaa marar baddan isku dayday inay soo afjaraan  arrintaa khilaafka weli taagan ee sababy dilalka, balse weli laguma guulaysan xalinta arrintaa iyo aaanooyinka labada dhinac, taas oo laga cabsi qabo inay sababo xaalad aan waxba laga qaban karin oo galaafta deganaanshaha iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *