Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici), ayaa kormeer kedis ah  ku soo maray maanta waqti kooban Hay’addihii ugu tirada badnaa oo mid ah Ha’yadaha dawliga ah ee madaxabannaan, kuwaas oo noqonaya

hay’addihii 13 xarumood oo ay leeyihiin Hay’addahaa madaxabannaani.

Madaxweyne xigeenka C/raxmaan Seylici waxaa uu kormeerkiisa bilaabay saaka abbaaro 7:00 subaxnimo waxaanu kormeer ku soo maray 13 ka mid ah Ha’yadaha dawliga ah ee dalka, waxaannu ku bilaabay Ha’yada Waddooyinka Somaliland ee SRA ka dibna waxa uu soo maray Xarunta Ha’yada tayada agabka, Komishanka xuquuqul insaanka, Warshada laydhka Hargeysa , Ha;yada ICT, Ha’yada aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD, Xafiiska xisaabaadka guud, Hanti dhawrka Guud, Ciidanka Asluubta Somaliland, Ha’yada dib u habaynta shuruucda dalka, Ha’yada shaqaalaha dawlada, Xarunta Machadka shaqaalaha iyo xafiiska gudida qandaraasyada qaranka.
Hay’addaha  dawliga ah ee uu kormeerayay wuxuu kula kulmay, iyadoo  masuuliyiintoodii Fadhiyaan.  laakiin waxa  xafiisyadooda wakhtigaa  ka maqnaa Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Hanri-dhawrka guud Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud Dheere), balse  waxa uu warbixintii xafiisyadaa ka dhegaysay masuuliyiintii ka hooseysay.
Markii uu Madaxweyne Ku Xigeenku marayay xafiiska Hantidhawraha guud waxa xubno ka mid ah shaqaalaha xafiiskaasi ay lahaayeen erayo ay ka mid ahaayeen “|Madaxweyne, malaa odayagayagii (Hantidhawrihii guud) wuu hurdaa oo habeenkii ayuu shaqeeyaa”.

Madaxweyne  ku xigeenku waxa uu tilmaamay in kormeerkiisa ay uga soo baxday qaabka ay u shaqeeyaan masuuliyiinta dawladda, waxaannu yidhi; “ Kormeerkan aan saaka ku soo maray Ha’yadaha dawladda waxa ka soo baxay in masuuliyiintu 99% qof walba isagoo xafiiskiisii xiligii loo baahnaa ee shaqo galka uu joogay,waxa ii muuqatay in Ha’yadihii aan soo marnay in qof waliba dedaalayay oo uu xilkiisa gudanayo, marka laga reebo laba masuul oo iyagu ka maqnaa xafiisyadooda.”
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo la weydiiyay inay wax kala qabanayaan laamaha dawlada ee uu kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada oo ay ka wada cabanayeen inuu ku yar yahay, waxaanu yidhi “Runtii nooma cusba cabashadani oo Ha’yadaha dawliga ah shirar joogto ah ayaanu yeelanaa oo bishiiba hal mar ayaanu la shirnaa Ha’yadaha dawliga ah ee madaxa banaan dhibaatooyinkoodana waanu ka warqabnaa qabyooyinka dalkana waad ka warhaysaan inay badan yihiin mudada aanu joognaana waa sanad,weaning qabaa in xafiisyada cidhiidhiga ah laga bixi doono.sida dhibaatadu u kala badan tahay ayaanna wax looga qaban doonaa”

Inta badan haya’ddaha Madaxweyne-ku-xigeenku booqday ayaa waxa uu kula kulmay masuuliyiinta ka shaqaysa oo xaadir ku ahaa wakhtigaa  xafiisyadooda, marka laga reebo labada masuul ee Hantidhawrka Guud  Maxamuud Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Haya’dda Shaqaalaha oo aan iyagu xaadir ku ahayn xafiisyadooda.
Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *