Hargeysa(ANN)Shir lagaga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhli cashuureedka dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada Hoose. Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Xoghayaha fulinta

dawlada Hoose Iyo Guddida dhaqaalaha ee golaha deegaanka Caasimada Hargeysa. Waxa ka hadlay  Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo  ka waramay qorshe ay dhawaan dawlada Hoose fulin doonto oo lagu tirakoobayo Guryaha magaalada ee sharciyaysan iyo kuwa aan sharciyaysanayn.
Maayarku waxa uu sheegay in qorshahan ujeedadiisu tahay sidii ay u darsi lahaayeen guryaha bixiya cashuuraha ardiyada iyo kuwa aan bixin. “Qorshahan waxay ku  ogaanaynaa  dadkan isku dhex dhuumanaya  ee qaarna cashuurta bixinayaan qaarna aanay bixinayn, Guri kasta waxa laga rabaa oo  aanu u sii sheegaynaa inaad dadka idiin imanaya aad  u fududeysaan waxay idin waydiinayaan ayaanu rajaynaynaa waxaanan idiin soo jeedinaynaa inaad cashuuraha idinku waajibay iska sii bixisaan,”ayuu yidhi Maayarku.
Waxa uu Maayarku u  soo jeediyay hawl wadeenada dawlada Hoose inay  si hufan u gutaan xilkooda. “Qorshahani sida uu u fulaa wuxuu inoo saamaxayaa inaynu sanadada dambe aynu si fudud u urursano cashuuraha, waxaan  hawlwadeenada ka filayaa inaad xilkasnimo u qabataan shaqada sidii awalba aad  u qaban jirteen. Dadweynaha waxaan  ka codsanayaa inay cashuuraha iska sii bixiyaan tii ardiyadaha iyo tii liisamada meheradaha ay leeyihiin, meher kasta ama dukaamada yar yar ee magaalada ku yaala waxaan leeyahay iska sii bixiya cashuuraha intaanu ganaaxu idiin iman,”ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Maayarku waxa uu tilmaamay in wajiga hore ee qorshahan oo la bilaabi doono todobaadka fooda inagu soo haya laga xaafadaha Jameeco weyn ee degmada Maxamuud Haybe iyo Xero-awr ee degmada Ibraahim Koodbuur. Markaa ka dibna loo gudbin doono waaxaha kale ee caasimada Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *