musebixi1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku gacansaydhay liiska ay faafiyeen Guddida Diwaangelinta Ururrada, wuxuuna ugu baaqay

 

in aanay ku dhex milmin khilaafka ka taagan gudaha xisbiga tallada haya.

Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, ayaa go’aan ay soo saareen maalintii Sabtida, waxay ku shaaciyeen in sharciyada liiska xubnaha Golaha Dhexe, hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee ay u gudbiyeen Shirguddoonka shirweynihii xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha KULMIYE, oo daba socda liiskaa ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in liiska Guddida diwaangelintu soo saareen yahay arrinta xudunta u ah khilaafka KULMIYE u dhexeeya, wuxuuna Muuse Biixi oo arrintaa ka hadlaya yidhi,

“Liisaska qoraalkooda la idiin soo gudbiyey, waa waxa sababta u ah khilaafka xisbiga ka dhex taagan, ummadda reer Somaliland-na way ogtahay. Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihii xubnihii Shirgudoonka Shirweynihii 3aad ee Xisbiga KULMIYE oo awood aanay lahayn ku takri falay.

Sidaas daraadeed, waxaannu Guddida Diwaangelinta ugu baaqaynaa in aanay ku dhex milmin khilaafka KULMIYE dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan, iskana ilaaliyaan in sharciyada cid gacan maroojiso,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kale oo uu ku baaqay in la ilaaliyo waanwaanta ergada Golaha Guurtida ahi ka dhex wado KULMIYE, waxaannu yidhi; “Waxa kale oo aannu idin la socodsiinaynaa in xallinta khilaafka KULMIYE dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtidu, ayna u baahan tahay in la dhawro waanwaanta socota.

Gabo-gabadii waxaannu idiin soo gudbin doonaa liisaska Golaha Dhexe, guddida fulinta iyo go’aannadii Shirweynaha 3aad ee KULMIYE marka Khilaafka xisbigu dhamaado.”

Waxa kale oo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi qoraalkiisa ku sheegay in cidda qudha ee Guddida Diwaangelinta u gudbin karta go’aannada shirweynaha  uu yahay guddoomiyaha xisbiga iyo cidda uu wakiisho, waxaannu yidhi; “Anigoo tixraaacaya qoraalka Tirsigiisu yahay GDU/AAS/205/2014, waxaan idinla socodsiinayaa in qoraalka go’aannada shirweynaha, waxa  guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu Qaranka iyo Hay’adaha kale Arrimaha Axsaabtu khusayso u soo gudbin kara kaliya Guddoomiyaha xisbig ama cidda uu wakiisho, sida ku cad Dastuurka Xisbiga.

Waxaynu ognahay in Astaanta Qaranku tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena Astaanta Xisbiga KULMIYE waa Guddoomiyaha.

Shirweynihii 3aad wuxuu go’aamiyey saddex qoddob oo kaliya, sida maqal iyo muuqaal lagu hayo; kuwaasoo kala ah;

1. Wuxuu doortay Guddoomiye, afar Guddoomiye-ku-xigeen iyo Xoghaye Guud.

2. Wuxuu Tirada Golaha Dhexe ku kordhiyey 100 xubnood, waannu ansixiyey.

3. Wuxuu tirada Guddida Fulinta ku kordhiyey 7 xubnood.

Waxa kale oo aan idinla socodsiinayaa:

1. Shir-guddooonka Shirweynuhu, siduu qorayo Distoorka Xisbigu, waajibaadkooda iyo awooddoodu waxay ku eg tahay inta uu shirweynuhu socdo, mana jirto in shirweynihii uu u igmaday inay iyagu ansixiyaan Golaha Dhexe, awood sharci-na uma laha.

2. Shirweynihii Saddexaad may jirin in lagu ansixiyey Guddi fulineed iyo Liiska Golaha Dhexe, midna lagama ansixin ergadii shirweynaha.

3.  Liiska Golaha Dhexe ee shirguddoonkii shirweynuhu ama cid kale idiin soo gudbisay, looma soo gudbin Guddoomiyaha Xisbiga, taasina waa sharci-darro kale.

4. Guddida Fulinta ee xisbiga waxa magacaabaya oo kaliya guddoomiyaha xisbiga sida u cad Qoddobka 24aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE, waxaanna ansixinaya shirweynaha, maadaama oo aan shirweynihii ansixin-na, waxa ansixinaya Golaha Dhexe oo ka wakiil ah Shirweynaha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *