bre1Somalia(Araweelo News Network) Amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr ayaa soo diray Fariin Maqal ah uu kaga hadlayo Marxalado

kala duwan gaar ahaan Siyaasada Soomaaliya iyo Dagaalada ay  kula jiraan  Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya.

Abuu Zubeyr oo Fariintaa soo mariyay warbaahinta  taageerta Xarakada Al-shabaab ayaa ugu horeyn waxa uu ku amaanay raggii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan lagu qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaas  oo lagu dilay dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad Shacab ah oo Maxkmadda u tagay arrimo dacwado la xidhiidha , wuxuuna fariintiisa ku sheegay  in ragii Weerarka Fuliyay ee Naftooda u hureen Illaah iyo in Sharciga Allah lagu dhaqmo Xeerka Gaaladana la Zuuliyo.

Amiirka Al-Shabaab ayaa xusay in Dhiiga Raga Al-Shabaab ka tirsan ee Naftooda huraya uu fashiliyay , wuxuu ku tilmaamay  Duulaano badan oo la qorsheeyay oo uu sheegay inay ka mid yihiin Duulaanka Mareykanka , Kan Ethiopia iyo Sidoo kale Dowladihii KMG ahaa ee kala Hogaaminayeen C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waa dhiigga Shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku ku soo qaaday dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa Itoobiya u diiday iney qabsadaan dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa dumiyay shirqoolladii C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif , waa dhiigga shuhadada waxa burburin doona dabinada Ugaandheeska iyo dabadhilifkooda” ayuu yiri Amiir Sheekh Abu Zubey.

Abuu Zubeyr ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Sharciga ilaahey garab istaagan ayna dhagaha ka fureestaan balan qaadyada uu sheegay in dhalanteed yihiin ay gaalada balan qaadayaan , garab iyo gaashaana u noqdaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Amiirka Al-Shabaab ayaa ka hadlay Shirka 7-da bishan ka furmaya Magaalada London ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waxa uuna xusay in Shirkaasi uu dhameystir u yahay Shirqoolo sanadkii hore lagu maleegay Shir isna London ka dhacay.

Abuu Zubeyr oo dadka qaarkii u yaqaanaan Axmed Godane ayaa tilmaamay in shirka London ka dhacaya markan looga arrinsanayo meel marinta shirqoollada ay ka mid yihiin ilaha dhaqaalaha ee dalka in lala wareego, kala qeybinta dalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka .

Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna sheegay in Dowladihii hore Dowlada ee kaga dheereeso dhinaca waxa uu ku sheegay Daba dhilifnimo ayna awoodi waayeen in ee go’aan mid ah yeeshaan si ay cadowga Dalka ugu gacan galiyaan.

“Umaddu waa iney ku baraarugto in kooxdani ay dalkeedii, diinteedi iyo Umaddeeba cadow ku tahay, waxey horor ku yihiin wax kasta oo ay Umaddu ku dhaadaneysay Diin, Dal, Sharaf iyo Maal intaba, shakina kuma jiro iney ku danbeyn doonaan halkii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay, marka laga dan dhameystana iyagoo dulleysan in dibadda loo tuuri doono” ayuu yiri Sheekh Abu Zubeyr.

Fariintan Amiirka Al-Shabaab ayaa kusoo beegantay maalmo yar kadib markii Al-ameriki oo lagu magcaabo Omar Hamaami oo ah Nin u dhashay Maraykanka oo ka mid ah Muhaajiriinta ka barbar dagaalama Al-shabaab uu sheegay in ay dhaawac soo gaadhsiiyeen koox sida uu sheegay uu Amiirka Al-shabaab Godane usoo diray, isla markaana ay halis ku jirto naftiisu, balse fariinta Amiirka Al-shabaab ayaan lagu soo qaadin dhaleecaynta Al-ameriki iyo baaq qaylo dhaan ah oo maalmo kadib soo baxay, kaas oo lagu sheegay in qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Al-shabaab ee garabka Al-ameriki soo saareen, iyagoo ugu baaqayay inuu is casilo Hogaamiyaha Al-shabaab Abu Zubayr oo ay ku tilmaameen Nin maroorsaday awoodii iyo Taladii Ururka Al-shabaab.

 

Sidoo kale fariinta Amiirka Al-shabaab ayaa kusoo beegantay  iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ay xidhnaayeen wadooyinku, taas oo ay sabab u ahayd cabsi laga qabay in Al-shabaab soo qaadaan weeraro is miidaamin ah.

Waxa kale oo dhawaaqa Abu Zubayr Amiirka Al-shabaab kusoo beegmay iyadoo laba maalmood  hadhsan yihiin  Shir arimaha Soomaaliya looga hadlayo oo dawlada Britain u qorshaysay in lagu qabto London 7 May 2013.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *