markabka Britain1Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta Markab kuwa dagaalka ah oo soo gaadhay

 

magaalada Xeebta ah ee Berbera kula kulmay saraakiil iyo dublamaasiyiin ka socda dawlada Britain.

Madaxwaynaha iyo weftiga uu hogaaminayo oo saaka diyaarad ka raacay magaaladda Hargaysa, wuxuuna ka hor intii aanu la kulmin saraakiisha dawlada Britain booqday xaafad ka mid ah kuwa magaalada Berbera oo lagu magcaabo Barqo-san, taas oo ay deganaayeen dad danyar ah, kuwaas oo khasaare kasoo gaadhay roobabkii dayay todobaadkii hore.

 

 

//

 

Madaxweyne Siilanyo ayaa balanqaaday in ay xukuumad ahaan wixii gargaar iyo gurmad ah ay lasoo gaadhayaan dadkaa oo hoygoodii ku waayay roobaabkaa, isla markaana xaalad cunto la’aan iyo hoy la’aan soo waajahday.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu markaa ka dib tababar usoo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Somaliland oo ciidamada Badda ee Britain ku  tababareeyeen saldhiga ciidamada Badda Somaliland ee Aadan Dhamac oo ku yaal magaalada Berbera.

//

 

 

Markaa ka dib Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hogaaminayay oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed Biixi Yoonis iyo Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade, waxay fuuleen Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Britain, kaas oo taagnaa duleedka Xeebta Berbera.

Madaxweyne Siilanyo iyo Wefdiga ka socday Safaaradda Britain ee Adis-ababa iyo saraakiil kale ayaa ku wada qadeeyay Markabkaa, waxayna  yeesheen kulmo gaar ah oo lagaga wada hadlay arrimaha xidhiidhka labada dal ee taariikhiga ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *