Maxkamadda Denbiyada Dagaalka Oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dhegeysiga Dacwada Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Iyo Hogaamiyayaasha Midawga Afka Oo Indhaha Lagaga Dhuftay DalabkoodaKenya(Araweelo News Network)Maxkamadda denbiyada dagaalka ee ICC, ayaa ku gacan saydhay dalab dalalka Afrika hogaamiyayaashoodu kaga dalbadeen in dib loo dhigo dacwada

 

loo haysto Madaxweyne Xigeenka Dalkaa Wilam Ruto iyo saraakiil kale.

Golaha Ammaanka ayaa diiday dalabka ah in dib loo dhigo dacwadda maxkamadda denbiyada dagaalka ee madaxda dalka Kenya mudo sanad ah.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa hore ugu mudaysay  bishan November  dhegeysiga dacwada Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, balse wax  dib loogu dhigay loo mudeeyay Feburuary ee sanadka soo socda.

Sida lagu sheegay War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha deibadda Kenya hogaamiyayaal Afrikaan ah oo kulan la yeeshay xubnaha gudida joogtada ah ee Qaramada Midoobay, ayaa hordhigay hogaamiyayasha wadamada xubnaha ka ah gudidaa ee dalalka Faransiiska,Ingiriska iyo Mareykanka, kuwaas oo gebi ahaanba ku gacansaydhay dalabka hogaamiyayaasha Afrika ay ku doonayeen in dib loo dhigo mudo sanad ah dacwada Madaxweyne xigeenka Kenya Wilam Ruto iyo saraakiil kale.

Arrintaa oo si weyn uga cadhaysiisay hogaamiyayaasha Afrika oo hore qaarkood u sheegeen in ay ka bexeen maxkamaddaa., waxayna arrintani abuurtay xiisad dublamaasiyadeed oo u dhaxaysa Ururka Midawga Afrika iyo Madaxda dalalka ugu tunka weyn aduunka. Kadib Madaxda Afrika oo shir ay ku qabteen magaalada Addis Ababa kaga  codsaday Golaha Ammaanka inuu dib u dhigo dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyata ku  Xigeenkiisa, Wilam Ruto iyo siyaasiyiin kale oo dowlada kujira waxa u yaala  maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC oo fadhigeedu yahay magaalada The Huge ee wadanka Nedarland eedo la xidhiidha xasuuq iyo gabood fal ka dhan ah bini aadanimada. Kadib doorashadii sanaddii 2007, taas sababtay in ay ku dhintaan dad kabadan kun qof kadib markii ay Railla Odinga iyo Mwai Kibaki isku qabteen natiijadii kasoo baxday doorashadii waqtigaasi dhacday.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *