Burco(ANN) Koox Ganacsato  ah oo u dhashay dalka  Shiinaha ayaa maanta Booqday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer, kuwaas oo danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan  Somaliland.

Ganacsatadan oo ka kooban 9 xubnood  ayaa ujeedada booqashadooda xarunta gobolka Togdheer lagu sheegay inay tahay sidii ay  wax uga ogaan lahaayeen  fursadaha dhaqaale iyo waxsoosaar ee gobolkaa iyo gebi ahaanba Somaliland.  Kooxdaa u dhashay dalka Shiinaha oo saaka ka boqoolay dhinaca  magaalada Hargeysa waxaa  maanta Magaalada Burco ku qaabilay Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi oo sheegay in maamulka gobolkaasi ay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa gobolka. Waxaanu  ku wargeliyay kooxdaa inay booqan karaan meel kasta oo ay u baahdaan.
Weftigan ganacsatada ahi waxay booqdeen warshadaha Biyaha ee Maaxda, Warshada Saabuunta ee ILAYS iyo warshada hilibka ee magaalada Burco.Waxa kale oo ay soo mareen suuqyada magaalada Burco oo ay si gaar ah indhaha ugu hayeen badeecadaha kala duwan ee lagu iibiyo.
Xubnaha Weftiga shiinaha ayaa  sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho  inay darsaan xaalada nabadgelyo iyo dhaqaale ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer si ay mustaqbalka uga fuliyaan mashaariic ay ku maal gelinayaan oo dhinaca wax soo saarka ah. iyagoo xusay  inay la dhaceen xaalada nabadgelyo iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *