Hargeysa(ANN) Khilaafka garabyada  xisbiga UDUB ayaa cirka isku shareeyay. Kadib   Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Guddida fulinta ee UDUB oo ku qabsoomay Huteelka Crown ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay  sheegeen inay ku doorteen in uu musharaxa Madaxweynenimo ee

 

Doorashada soo socota noqdo Jamaal Cali Xuseen.
Xubnaha guddida fulinta oo beryahanba kulamo isdaba-joog ahi uga socdeen magaaladda Hargeysa oo ay ku kala reebayeen musharaxiinta  u tartami doona jagada Madaxweynenimo ee doorashada soo socota, taas oo ay shuruud ugu dhigeen  inuu noqdo Nin bixin kara lacag qadarkeedu yahay $ 300,000  (sadex boqol oo kun) oo dollar. kadib markii ay isla garteen in la helo lacag lagu galo Ololaha Doorashada Dawladaha hoose oo bisha April qabsoomaysa ayay saaka Cod u qaadeen waxaana 22 ka mid ahi u codeeyeen Jamaal Cali Xuseen, waxaana ka aamusay guddoomiye ku xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin,  iyadoo xubno la sheegay inay tiradoodu tahay  toban oo ka mid ah xubnaha Guddida fulinta ka maqnaayeen.
Khilaaf ayaa ka dhashay arrintaa, iyadoo aanay goobta kasoo xaadirin  Cali Maxamed Warancade  oo ka mid ahaa musharixiinta, kaas oo shalay saxaafada u sheegay inaanay aqbalayn qaabka uu hawshaa musharixiinta u wado Axmed Yuusuf Yaasiin, sidaa awgeed ay qaylo u dirteen gudoomiyihii xisbiga UDUB. Daahir Rayaale Kaahin.
Markii uu soo baxay waraka garab ka mid ah garabyada ay u qaybasmeen gudida fulinta ee kulankaa ku doortay Musharaxa Jamaal Cali Xuseen waxay Ku-simaha Xoghayaha Guud iyo Xubno ay ka mid yihiin Cali Warancade oo ganafka ku dhiftay arrintaa shir jaraa’id ku qabteen maanta Xarunta Xisbiga UDUB, kuwaas oo  qaadacay Doorashada Garab ka mid ah Xisbiga UDUB, iyagoo sheegay in aanay aqbalay Musharaxa Madaxweynenimo Jamaal Cali Xuseen, taas oo ay sheegeen inay ku koobantahay keliya kooxdaa  oo aanu kooramkii buuxin ee aanay ahayn arrin u taala xisbiga UDUB.

Dhinaca kale Gudoomiyihii xisbigaa Daahir Rayaale kaahin oo dalka ka maqan ayaa qoraal uu soo diray oo ku socodsiiyay ku simaha Axmed Yuusuf Yaasiin  iyo gudida fulinta ku sheegay in la laalay tartanka musharxnimada, taas oo uu sabab uga dhigay khilaafka ka taagan oo uu sheegay inuu yahay mid xisbiga sii kala fogaynaya. sidaa awgeed uu go’aansaday inuu laalo tartankaa oo aanay waxba ka jirin, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in la qabanayo tartanka musharxnimada kadib doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ka gudoomiye ahaan uu goob joog ka ahaanayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *