http://www.somaliland.org/images/b/2012/02/martisharaftii.jpgHargeysa(ANN) Kulan caalami ah oo ay ka qaybgaleen Hoggaamiyeyaasha haweenka Afrika ee loo yaqaan G-40, ayaa maanta ka furtay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Kulankaa oo socon doona mudo afar maalmood ah, waxa kasoo qaybgalay haween ka kala yimi dalalka Afrika,

 

sida South Afrika, Yugaandha,  Koonfurta Sudan, Ethiopia, Ereteriya, Djibouti, iyo Somaliland.
Kulankan oo markii u horaysay lagu qabtay Somaliland waxa furitaankiisa khudbad ka jeedisay  Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, oo sheegtay inay haweenka Somaliland ay kaalin weyn ka soo qaateen nabadeyntii beelaha Somaliland, sidoo kalena ay door weyn ka soo qaateen, welina kaga jiraan dhinacyada horumarka iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland.

Marwo Aamina Weris waxay sharaxaad ka bixisay doorka haweenku ay ku lahaayeen marxaladihii Somaliland soo martay, iyadoo  tidhi,  “Tan iyo markii Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya, waxa nabadeyntii aanu ka soo bilownay xididka u hooseeya, in kasta oo aanay dumarku si wanaagsan uga muuqan oo aanay ku jirin Golaha Guurtida, haddana haweenku waxay kaalin ka soo qaateen nabadeyntii dalka waxaanay si tartiib tartiib ah u galeen Ha’yadaha dastuuriga ah ee dalka sida Goleyaasha Baarlamaanka, dawlada iyo Goleyaasha deegaanka. Haddii aanaan nabad-gelyo buuxda helinna qaran ahaan nooma ay shaqeeyeen dawladnimada iyo horumarka aanu gaadhnay.”

Waxay sheegtay in xukuumadda Somaliland ay ahmiyad weyn siisay haweenka, waxaanay xustay in dawlada ku jiraan sadex wasiir oo haween ah.
“Waxaanu ku han weyn nahay kuna faraxsan nahay inay Haweenka Somaliland ay sadex xubnood ku leeyihiin Golaha Wasiirrada kuwaasi oo ka mid ah Wasiirrada kuwa ugu waxqabadka badan, 2 xubnoodna ku leeyihiin Golaha Wakiilada, isla markaana hal xildhibaan ku leeyihiin Golaha Guurtida oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka iyo xubin ka tirsan Goleyaasha deegaanka ee Gabilay,”ayay tidhi Marwo Aamina Weris.
Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay tafaasiil ka bixisay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaanay u mahad celisay Golaha Guurtida oo ay xustay inay sees u ahaayeen nabadeyntii iyo hirgelintii Ha’yadaha dawliga ah, waxayna dalalka Afrika iyo beesha caalamkaba u soo jeedisay inay Somaliland siiyaan aqoonsi dublamaasiyadeed.
Marwo Aamina Waris waxay sheegtay inay Soo dhawaynayso shirarka noocan oo kale ah waxaanay tilmaantay in Somaliland ay ka jirto nabad-gelyo suurto-gal ka dhigaysa in shirarka caalamiga ah ku qabsoomaan.
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay intaasi ku dartay in kulankan ay isugu yimaadeen afartankan xubnood ee haweenka ahi oo ka kala yimid dalalka Ugandha, Koonfurta Sudan, Ethiopia, Ereteriya, Djibouti, Somalia iyo Somaliland in looga fadhiyo sidii ay u keeni lahaayeen fikrado midho dhal ah oo wax ka tara sidii ay haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaadashada hogaaminta dalalkooda.
Qaar ka mid ah Xubnaha ka qayb galay kulankan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinkooda Somaliland isla markaana ay ka muuqato nabadgalyo cago adag ku taagan oo ku timid rabitaanka shacbiga.
waxaa kale oo ay u mahadceliyeen xukuumada Somaliland ka taageerista inuu shirkani ka furmo Caasimadda.
Sidoo kale waxa shirkan saxaafadda uga warantay Guddoomiyaha ururka Barwaaqo Khadra Cumar Xasan waxaanay tidhi “Waxa maanta halkan ka furmay shir la yidhaahdo (High level mission) oo la iskaga wada yimid dhammaan dalalka Afrika oo dhan, shirkan waxa la yidhaahdaa G-40.waxa ku jira 40 haween ah oo ah hoggaamiyeyaasha haweenka Afrika, kuwaasi oo ay Somaliland-na ka mid tahay. shirkan dhawrkii biloodba mar ayaa lagu shiraa wadan waxaana laga hadlaa nabadda,horumarka iyo hoggaaminta heerka ay dumarku ka gaadhi karaan.”
Khadra Cumar Xasan waxay sheegtay in shirkani wax weyn tarayo , waxaanay tidhi “Shirkani waa shir runtii aan odhan karo wax badan ayuu tarayaa, kii u dambeeyay waxa lagu qabtay Koonfurta Suudaan. Markaa waxaanu ka codsanay qolada caawisa shirkan oo ah Ha’yad fadhigeedu Spain tahay. runtii wax weyn ayay naga weydiiyeen shirkan ma lagu qaban karaa Somaliland, anaguna waxaanu tafaasiil ka sinay xaaladda nabadgelyada Somaliland waanay naga aqbaleen markaa shirkani sidan ayuu Hargeysa uga qabsoomay sumcadda Somaliland-na sare ayuu u qaadayaa. Waxa shirkan ku badan dalalka Geeska Afrika. Waxa kale oo Afrikada kale kaga jira South Afrika, Yugaandha iyo kuwo kaleba.” Ayay tidhi Khadra Cumar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *