Hargeysa(ANN) Haweenaydii u horaysay Somaliland ee ku dhawaaqda Urur Siyaasadeed ayaa maanta munaasibad balaadhan oo lagu qabtay huteelka Shiraaqle ee Bariga magaalada Hargeysa kaga dhawaaqday Urur Siyaasadeed cusub oo loogu walqalay Ururka Nabadda,Dimuqraadiyadda

iyo Barwaaqadda  oo loo soo gaabiyo (NDP), kaas oo la doonayo inuu ka qaybgalo tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo ururada siyaasada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan horraanta sanadka cusub ee 2012.
Munaasibad ballaadhan oo loo sammeeyay wanqalka urur-siyaasadeedka NDP oo ah kii ugu horreeyay ee haweenay gadhwadeen ka tahay, waxa munaasibad si weyn loo agaasimay oo ay ka qayngaleen siyaasiyiin kala duwan, madaxdhaqammeed, aqoonyahanno iyo boqollaal qof oo ka mid ah taageerayaasha ururka cusub, waxa kaga dhawaaqday Ururkaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji-aadan Qabille oo ka mid ah haweenka aqoonyahannada ah ee reer Somaliland,
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka NDP Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji-aadan Qabille oo munaasibadaa ka hadashay, ayaa sharraxaad dheer ka bixisay ujeeddooyinka iyo mabaa’diida loo aas-aasay urur-siyaasadeedka ay hoggaamiyaha ka tahay. “Ururkan oo sida farriin ah nabad, caddaalad, dimuqraadiyad, horumar iyo barwaaqo wuxuu leeyahay astaan iyo dastuur si wanaagsan looga soo shaqeeyey, shax maamul, kaas oo haddii uu guulaysto horumar iyo sinnaan u horseedaya dadka iyo dalkaba. “Ururka mabaadi’diisu waxay ku salaysan tahay diinta islaamka, dhaqanka hufan iyo bulsho xor ah, waxa saldhig u ah dastuurka Somaliland, wuxuu aamisan yahay ilaalinayaana gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ilaalinayaa midnimada, sinnaanta iyo caddaaladda gobollada Somaliland oo dhan, wuxuu ururku aaminsan yahay in laf-dhabarta dalku yahay xoolaha nool sidaa awgeedna loo baahan yahay in qorshe muddaysan oo kor u qaada nolosha xoolaha iyo xoolo-dhaqatada loo sameeyo, waxa muhiim ah in daaqa, joojinta biyaha iyo caafimaadkaba lagu kaalmeeyo xoolo-dhaqatada, waayo waa laf-dhabarteenii.”


Marwo Foosiya waxay sheegtay in baahiyaha aasaasiga ah ee u qorshaysan ururkeedu inuu wax ka qabto haddii guulaysto ay ka mid yihiin tayeynta waxbarashada dalka, horumarinta iyo shaqo-u-abuurista dhallinyarada iyo sinnaanta shacabka, gaar ahaan dadka la hayb-sooco.“Ururkani waxa uu xoogga saari doonaa in laga baxo shaqo la’aanta oo la abuuro shaqo, warshado, in la abuuro barmaamujyo dadka shaqo geliya, waayo haddii aan maskaxda laga dhisin waxba ku dhiiran maayaan. Dhallinyarada oo ah xoogga iyo cududa mustaqbalka dalkan waa in si dhab ah oo daacadnimo ah looga hawlgalo shaqooyinkooda, cilmigooda iyo horumarintoodaba,” ayey tidhi Marwo Foosiya.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo isna munaasibadda ka hadlay, ayaa haweenka Somaliland ku gubaabiyay inay heleen fursaddii ay ku dooran lahaayeen Madaxweyne Haween ah oo dalka iyo dadkaba anfacda, “Haweenka mid baan leeyahay, wax badan baad ragga ka cabayseen oo aad lahaydeen waa nala dulmay, hadaba si aad dulmigaas uga baxdaan idinkuna maanta dulmi hala imanina,  haween oo dhan waxa looga fadhiyaa sidii ay u muujin lahaayeen aqoontiina, kartidiina oo aad ku dedaashaan haweenay madaxweyne ah oo dalka iyo dadkaba anfaci karta.”

Suldaan Maxamed waxa uu ku gubaabiyay haweenku inaanay xisbi kale u codayn ee ay u hiiliyaan ururka cusub ee ay hoggaminayso Foosiya Yuusuf Xaaji-aadan Qabille, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Urukani waa ururka keliya ee ka duwan ururada kale waxay dooranayaan ee ay ku tartamayaan. Haweenoow xisbigiinii waa kaase ku fara adayga, dee haddaad xisbi kale taageertaan idinkaa halkaa isdhigay, wax allaale wax rag idiin hambeeyay ma jiro, anigaygaasaan waxba idiinku talagelin, laakiin maanta runtaan idiin sheegayaa xisbigaad haysataan waa kan, haweenka Somaliland iyagaa ka fara badan ragga ee haloo tartamo oo la soo baxa wixii aad xaq u leedihiin.”
Suldaan Dalab oo ka mid ah sallaadiinta reer Somaliland, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee ay sallaadiin ahaan ka qaybgalaan xaflad loo sammeeyay furitaanka ururada cusub ee Somaliland, taasoo uu sheegay in ururka NDP ku mutaystay saddex arrimood, waxaannu yidhi, “Waa ururkii koowad ee aanu soo ajiibno imaatinkiisa sallaad , anigoo afka sallaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradkaba, sallaadiin ahaan ururada dhex baanu u nahay laakiin Saddex qodob baanu u soo ajiibnay; Marka koowaad waa uruka keliya ee haween hoggaaminayo ee Somaliland lagaga dhawaaqo, wuxuu naga mudanyahay sharaf, karaamo iyo xishood intaasoo dhana waxa iska leh hooyooyinkeena qaaliga ah. Marka labaad, Foosiya Yuusf Xaaji-aadan waa inan qaaliya oo ka soo jeeda qoys laba boqol oo sano oo dalka Somaliland wax ka tarayay, mid aqooneed, mid diineed, mid haldan iyo mid waxqabad, markaa way u qalantaa Foosiyaaya inaad qaranka Somaliland hoggaamiso. Hal-ku-dhigaaas-aaska Ururka ee Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqadu waxa weeye waa calaamadii haddaanu madaqdhammeedka nahay ku sallaysantahay way na soo jiisatay.”ayuu yidhi Suldaan Dalab.

Xafladda daahfurka ururs-siyaadeedka NDP waxa ka dhex muuqday siyaasiyiinta lagu casuumay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal-cali Waraabe, kaas oo si gaara u hambalyeeyay Marwo Foosiya Yuusuf iyo ururkeeda cusub, isagoo dhinaca kalena farta ugu fiiqay caqabadaha sugaya ee u baahan inay la timaado istaraatajiyad ay kaga gudbi karto.
Dhinaca kale maaha markii u horaysay  ee ay Marwo Foosiya hungurayso siyaasada, balse  doorashooyinkii  madaxtooyadda ee 2003, ka qabsoomay Somaliland waxay qorshaysay inay noqoto musharax madaxbanaan, laakiin waxa taa ka hor istaagay dastuurka Somaliland oo aan fasaxayn inuu jiro musharax madaxbanaani, taas  oo ku khasabtay inay sugto fursadan lagu furay tartanka Ururada siyaasada ee u tartamaya  doorashooyinka golayshaasha deegaanka, kuwaas oo hada tiradoodu gaadhay dhawr iyo toban, isla markaana ay jiraan kuwo kale oo la hadal hayo.
Waxayna ururada buuxiya shuruudaha xeerku u gudbayaan inay ka qayb qaataan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto April 2012, iyadoo sadexda urur ee ugu lixda gobol mid walba ka helaa 20% u gudbayaan xisbiyo qaran, ama sadexda Urur ee ugu  sareeya  noqonayaan  kuwa u gudbaya xisbiyo qaran oo doorashada madaxtooyada ka qaybgelaya. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *