Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sarre iyo raxan garsoorayaal ah. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka

 

madaxtooyada Somaliland, qoraalkaa oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:-
“  Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Gudooomiyihii Maxkamada sare, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada u gudbiyey xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sida uu sharcigu tilmaamayana waxa uu madaxweynuhu ka Codsaday in ay Waajibkooda Sharci ka gutaan kana aqbalaan xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Garsoorayaashii Buuxin lahaa Xilalka Bannaanaaday.

Talaabadan madaxweynuhu ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha waxay qayb ka tahay toosinta garsoorka Dalka  oo uu saluug badani ka jiray.

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi sidan :-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu,

Markuu Arkay:                     Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

Markuu Yaqiinsaday:        In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare aanu wadi Karin dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Gudoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ka qaado Mudane, Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

Xilka Qaadista Garsoorayaasha waxa uu madaxweynuhu u cuskaday qodobadan Dastuuriga ah :-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan 10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Garsooreyaasha iyo Guddida Cadaaladdu,

Markuu Arkay:                     Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahanyahay firfircooni iyo dhiig cusub lagu soo kordhiyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

Wuxuu Go’aansaday

1.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Shawqi Cilmi Cali.

2.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Xuseen Khayre.

3.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Axmed Diiriye Qaalib.

4.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cabdi Cilmi Xasan.

5.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamed Yuusuf Caynaan.

6.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Ismaaciil Axmed.

7.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Sh. Maxamed Cabdi Naleeye.

8.      In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamuud Xirsi Faarax.

Magacaabista Garsoorayaasha Cusub:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Qaranka,

Markuu Arkay:                     Khibradooda iyo waayo aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo,

Markuu isku Qanciyey:     In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo.

Wuxuu Go’aansaday

1.      In Mudane, Axmed Xuseen Dirir, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

2.      In Mudane, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

3.      In Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

4.      In Mudane, Cabdiraxmaan Sh. Saalax Maxamed, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

5.      In Mudane, Maxamed Cumar Geele, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

6.      In Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *