Hargeysa(ANN)- Shabakada Al-qaacidda ayaa shalay bayaan ay soo saareen ku caddeeyey inay hoggaamiyahooda guud u doortaan Ayman Al-dawaahiri oo ah khabiir u dhashay wadanka Masar, kadib markii 2 May 2011 Maraykankanku ay sheegeen inay hoggaamiyahoodii hore Osama Bin Laden ku

 

dileen gudaha wadanka Pakistan.
Bayaanka Al-qaacidda ka soo baxay, ayaa lagu sheegay in kadib shirar iyo wadatashi baddan oo ay yeesheen ku go’aansadeen inay Ayman Al-dawaahiri oo muddo dheer ahaa ku-xigeenka Osama hadda loo doorto hoggaaminta guud ee Al-qaacidda.
Waxa Al-qaacidda bayaankooda ay soo saareen oo toddoba qodob ka kooban ku faahfaahiyeen mabaadii’dooda guud eek u waajahan kacdoonnada ka socda dunida Carabta iyo waqooyiga Afrika, dagaalada Afgaanistan, Soomaaliya, Chejniya, dhulka Falastiin iyo aqoonsi dawadnimo oo dalalka islaamku siiyaan dalka Israa’iil, waxayna taageerayaashooda ugu baqeen inay jihaadka wadaan ilaa dalalka islaamka laga xoraynayo wadamada reer galbeedka oo ay sheegeen inay maskaxda ka qabsadeen, isla markaana shareecada islaamku ka hirgelayso.
Bayaanka ka soo baxay Al-qaacida oo aad u dheeraa, isla markaana ku qornaa luuqada carabiga, ayaa shabakada wararka Araweelonews, waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa isaga oo dhamaystiran oo Afsoomaali ku qoran, waxaanu u qornaa sidan:

بسم الله الرحمن الرحيم

[تنظيم قاعدة الجهاد – القيادة العامة]

بيان بشأن خلافة الشيخ أسامة بن لادن في إمارة جماعة قاعدة الجهاد
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}

وقال النبي صلى الله عليه وسلم “لَا تَزَالُ طَائِفَةٌ مِنْ أُمَّتِي يُقَاتِلُونَ عَلَى الْحَقِّ ظَاهِرِينَ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ

Ururka Qaacidatul-Jihaad/Hogaanka Guud

Bayaan ku aadan Khilaafada Sh Usama Bin Laden ee Imaarada Jamaacada Qaacaditul Jihaad

Quluub raali ku ah qadaha Alle iyo qadartiisa oo ku qanacsan ballanqaadka Allaah iyo abaalmarintiisa wanaagsan ayay Umadda Muslimka , Mujaahidiinta Jamaacada Qaacidatul-Jihaad iyo kuwa kaleba ay kula kulmeen dhacdada Istishhaadka Imaamki Mujaddidka ahaa, ee Muhaajirkii Muraabidka ahaa  Al Sheykhu Usama Bin Muxamed Bin Laden Raximahullaah Raxmatan waasicah, waxaana Allaah weydiisaneynaa in darajaatkiisa uu koryeelo inaga iyo Umadda Islaamkana uu kheyr kaga abaal mariyo.

Sidaasi darteed kolba haddii Jihaadku soconayo ilaa maalinta qiyaamaha-Sida ku sugnaatay Xadiithka- oo casriganina uu Jihaadku fardul Ceyn noqday si loola jihaado Kuffaarta soo duushay ee qabsatay dhulalka Muslimiinta iyo Xukkaamta Murtaddiinta ah ee Sharaa’cidii Islaamka  badashay..hadane kolba haddii ballan fur loo sameeyo Shuhadada baariyaasha ah iyo noloshii Sheekh Usaama ay ku dhaceyso kaliya in la sii hayo jidka Jihaadka wadada Allaah iyo u hiilinta Muslimiinta iyo Mustadcafiinta, arimahaasi dhan dartood waxaa halkani ay Hogaanka Jamaacada Qaacidatul-Jihaad – ka dib markii ay shuuro qaateen- ay kaga dhawaaqayaan  in Sh Abi Muxamed Ayman Al-Dawahiri Allaha sugee uu la wareegay masuuliyadda imaarada Jamaacada, waxaana Alaah weydiisaneynaa in uu isaga iyo inaguba iyo Musliminta dhamaantood waafajiyo Shareecadiisa oo aan ku dhaqano, oo Xaqqa aan ugu sugnaano hadba sida Allaah raali gelineysa inagoon waxna badalin waxna soo kordhin.

Haddaba munaasabaddan darteed waxey daneynayaan Hogaanka guud ee Qaacidatul Jihaad in ay adkeeyaan Mabaad’da soo socota:—

1-Jamaacada Qaacidatul Jihaad  Allaah fadligiisa waxey ku dadaaleysaa in ay ku dhaqanto Kitaabka iyo Sunnada, sidaasi darteedna way ku baaqeysaa in lagu dhaqmo, Jamaacadu waxey raaceysaa dhariiqii  Nabiga Sallaalahu Caleyhi Wasallam, Asxaabtii Abraarta ahaa, iyo Aala beytkiisa Adhahaarta ahaa, Ridwaanullaahi Caleyhim Ajmacin, waxey kaloo Jamaacadu raaceysaa wixii ay ku ijmaaceen Salafkii Umadda  ee Taabiciinta iyo kuwii ixsaan ku sii raacay iyo cid waliba oo dhabahooda qaaday kagana dayatay cilmiga iyo camalka sida a’imada afarta ah, a’imada Fiqhiga iyo Xadiithka kuwoodii Umaddu  ay u qirtay qubuul iyo Kheyriya, oona ay amaantay naxariisna loogu duceeyay jiilba jiil, waxaan u hogaansanahay wixii ay kuwasi ku ijmaaceen, mana ka baxeyno wixi ay yiraahdeen, waxaana Allaah kaalmadiisa ku dadaaleynaa in aan ahaano kuwo iyaga raacsan oo aan waxba soo kordhin..oo hogaansanaada waxbana aan soo hindisin..

2-Waxaan ku dadaaleynaa Bicownillaahi Watowfiiqihi in aan dadka ugu yeerno Diinta Xaqqa ah,  Umaddenana aan ku boorino Icdaadka iyo dagaalka, inagoona dhankeena gudaneyna waajibkeena camaliga ah ee ku aadan  Fariidada ceyniga ah e  Jihaadka ka dhanka ah Kuffaarta soo duushay ee ku soo xad gudubtay dhulalka Islaamka, kuwaasi oo ay horboodeyso dawladda Mareykanka ee Saliibiyadda ah iyo Israa’iilta ay naaska nuujiso, iyo dhamaan kuwa la duubtay ee Xukkaamta Sharaa’icda Islaamka badalay, kuwaasi wixii taag iyo tabar aan leenahay oo dhan ayaan kula jihaadeynaa waxaana Umadda ku boorineynaa in af iyo adin, maal iyo wax kasta oo kalaankeeda ah in ay kula jihado ilaa Ciidamada so duulay dhamantod ay ka baxaan  dhulalka Islaamka oo ay ka hirgalsho Shareecada Allaah, Allaah Cazza wajalla wuxuu yiri.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قَاتِلُوا الَّذِينَ يَلُونَكُمْ مِنَ الْكُفَّارِ وَلْيَجِدُوا فِيكُمْ غِلْظَةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ} [التوبة: 123]

3-Waxaan adkeyneynaa in aan garab taaganahay oo aan u hiilineyno qof kasta ee u jihaada sare noqosha Kalimadda Allaah, ee Islaamka iyo Muslimiinta ku difaacaya dal waliba ee ka mid ah dhulalkooda,  ururka Qaacidatul-Jihaad dhul uma heyb sheegto sidoo kalena jinsiyad kuma koobna, dhulalka Islaamka dhamaantood waa dhulalkooda, Muslimiinta oo idilna waa walaalahooda, waxaana isku xira xiriirka Iimaanka, agteenana Carab iyo Cajam waxey inoogu kala fadilan yihiin hadba Allah ka cabsiga, iyo camalka Saalixa.

Dadkeena Filastiin-ta aan jecelnahay jooga waxaan u xaqiijineynaa arrinkii uu u sheegay Sheekh Usaama Raximahullaah kolkii uu yiri: ” Waxaan u sheegeynaa walaalaheena reer Filastiin, dhiigga wiilashiinu waa dhiiga wiilasheena, dhiigiinuna waa dhiigeena, dhiig.. dhiig kale baa u daadata..Alle ayan ku dhaartee idinma khiyaami doono ilaa guusha laga gaaro ama aan dhadhamino wixii uu dhadhamiyay Xamza Bin Cabdil Mudalib Radiyallaahu Canhu”.

Waxaan kaloo u sheegeynaa reer Filastiin in inagu aan ogolaan doonin wax ka mid ah Filastiinta Ribaadka iyo Jihaadka in laga tanaazulo cidey doonto haka timaado arrintaasi, mana aqoonsan doono wax jiritaan sharciyadeed oo la siiyo dawlad ku sheegga Israel haddii xittaa dadka dhulka jooga oo dhan ay isku raacaan, ma ogolaaneyno, mana u hogaansameyno, mana ku xirnaan doono wax heshiis ama qaraar ama ballan ah ee lagu ogolaanayo arrinkaasi, ama taako ka mid ah dhulka Filastiin lagu boobayo haddi qaraarkaasi uu ka yimaado QM ee maamulkeedu majaraha u hayaan akaabirta Mujrimiinta ama waxa ka soo haray ee hey’ado iyo ururo leh, (waxn ina quseeya maahan).

Allah awooddiisa iyo kaalmadiisa waxaan sii wadeynaa Jihaadka iyo halganka af iyo adinba leh, waxaana sii wadeynaa daah ka feydista khiyaanaatka ay ku kacayaan kuwa ka tanaazulay xuquuqda Umadda ee Filastiin, waana kuwaasi gacan saarka la leh Mosad iyo CIA, waxaanu wax waliba u hureynaa si ay u xor noqoto Filastiin dhamaanteed, oo dusheedu ay ka dul babadaan calamada Islaamka, Shareecada Allaahna ay dhulkaasi ka hirgasho, sidiiba ay u xoreeyeen geesiyaashii hore ee Islaamka sida Salaaxuddiin.

Waxaan u xaqiijineynaa walaalaheena Afghanistan in aan garabkooda nahay, oo aan kula duubanahay naf iyo maal, inagoo ku hoos jirna hogaanka Amiirul Mu’miniin Almullah Muxamed Cumar Mujahid Xafidahullaah, si looga hortago oo gumeystaha Saliibiga ah ee Mareykanka looga saaro dhulkan dhaahirka ah.

Sidaasi oo kale waxaan u xaqiijineynaa walaalaheena Mujaahidiinta ee bahwadaagga inagula ah dhabaha Samirka, taxaddiga iyo ka hortagga ololaha Salbiiyada..haddii ay joogaan Ciraaq-da Khilaafada iyo Cilmiga, Somaliya-da Hijrada iyo Shareecada, Jaziirada waxyiga..Iimaanka iyo Xikmada, Maqribka ribaadka..nusrada iyo thabaatka, Shiishaanta- samirka iyo adkeysiga..waxaan u xaqiijineynaa dhamaantood in aan ballankii ku taaganahay inagoo ah dhisme isheysta, saf qurana ah, kalimad mideysana leh , quluub isjecel iyo raayo nadiif ahina ku taagan, lana dagaalameyna cadow qura haddii xittaa nuucyadiisu kala duwan yihiin oo magacyo kala jaan ah sito, ma liicin..ma labalabeyn dibna uma laaban..Haddii ay wax na gaarsiiyeen inaguba wax waan gaarsiinaa.marna inaga ayaa guuleysana marna iyaga ayaa guuleysta..hayeeshee ciribta danbe waxaa leh Muttaqiinta. Allaah wuxuu yiri:-

{قَالَ مُوسَى لِقَوْمِهِ اسْتَعِينُوا بِاللَّهِ وَاصْبِرُوا إِنَّ الْأَرْضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ} [الأعراف: 128]

4-Allaah Wuxuu yiri:-

{وَمَا لَكُمْ لَا تُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ الرِّجَالِ وَالنِّسَاءِ وَالْوِلْدَانِ الَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْ هَذِهِ الْقَرْيَةِ الظَّالِمِ أَهْلُهَا وَاجْعَلْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ وَلِيًّا وَاجْعَلْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ نَصِيرًا} [النساء: 75]،

Nabiguna Sallalaahu Caleyhi Wasallam wuxuu yiri “فكوا العاني” , waxaan Allaah weydiisaneynaa in uu nagu garab galo soo furashada maxaabiista geesiyaasha ah ee Muslimiinta kuwaasi oo samray, nafhur sameeyay, una dhibaatooday u hiilinta Islaamka iyo Muslimiinta, waxaanu u xaqiijineynaa walaalahaasi aan jecelnahay in aanan ilaabin oo Alle idankiisa marna aan ilaabi doonin, maan ilaabin Sheekheena Mujaahidka ah ee Xaqqa la soo taagnaa Cumar Cabduraxmaan, maan ilaabin walaalaheena ku jira Guantanamo, Bagram, Abu Ghuraib, iyo xabsiyada qarsoodiga ah iyo kuwa la ogyahay ee Mareykanka..iyo sodoo kale dadka ku jira Guantanamo-yaasha ay dalalka Muslimiinta ka dhisteen wakiilada Mareykanka..dadkaasi wax kale looma heysto oo aan aheyn..{وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَنْ يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ }
[البروج 8]

5-Waxaan taageersanahay oo aan garab siineynaa kacdoonka shucuubteena dulman ee Muslimka ah ay kala horjeedaan dhuqaadda daalimiinta ah ee dhulka fasaadiyay, kuwaasi oo Umaddeena cadaab mariyay haddii ay ahaan laheyd Masar, Tunis, Libya, Yemen, Shaam, iyo Maghrib, waxaan ku boorineynaa shucuubta dalalkaasi iyo kuwa ka soo haray ee Muslimiinta in ay sii kacdoomaan oo ay sii wadaan halganka ayna ku sii adkeystaan ilaa ay meesha ka baxayaan dhamaan nidaamyada faasidka ah ee reer galbeedku ay ku qabsadeen dalalkeena ayna kaga dhigteen waddo ay ku dhaqan gashadaan siyaasadahooda oo rabitaanadooda ay ku meel marsadaan..iyo ilaa laga helo isbadalka dhabta ah ee la doonayo kaas oo marna aan imaan karin in Umaddu ay diinteeda u laabato mooyee, oo si buuxda ay u soo laabato Shareecada Islaamka iyadoo hageysa Umadda Islaamka oo aan wax sharci kale iyo marjiciyad aysan jirin, kolkaasi oo diinta oo dhan Allaah uga ahaato.

Isbadal ma imaanayo ilaa inta ay Umaddu ka takhaluseyso dhamaan qaababka gumeysiga iyo qabsashada Milatari midda dhaqaale, tan siyaasadeed iyo midda dhaqan ee reer galbeedku nagu heystaan, mana imaanayo isbadal ilaa meesha laga saaro qaababka uu leeyahay dulmiga siyaasadeed iyo kan Ijtimaaciga ah, arrimahani oo idilna uga fursan meyno wax aan aheyn Icdaad dhab ah, taxriid soconaya iyo Jihaad aan istaageyn, iyo sidoo kale in la helo quwad ka hortagta quwadda kale sababtoo ah hagaagga diinkani waa Kitaab wax haga iyo Seyf u hiilisa, Allaah ayaana inooga filan mid wax hanuuniya ee wax u gargaara.

6-Waxaan gacan siineynaa oo u laab fureynaa si iskaashi ah qof waliba ee u nusreynaya Islaamka haddii ay doonto ha noqoto ururada, Jamaacaadka Islaamiga, ama kuwa ka baxsan, si aan isugu garabsano oo isugu gacmo qabsano in kuwa soo duulay aan ka saarno dhulalka Islaamka una nusreyno Shareecada ilaa ay ka noqoto midda wax ku xukunta dhulalka Muslimiinta ee aaney iyadu noqon tan la xukumo..oo ay wax hogaamiso lana hogaamin, oo wax ay hagto oo aan la hagin..ilaa sidoo kale uu meesha ka baxo Dastuur waliba iyo qanuun kasta ee ka horimaanaya..sidoo kalena aan isku garabsano in aan meesha ka saarno nidaamyada faasidka ah, dhulkeenana aan ka nadiifino muuqaalada dulmiga, qahriga iyo fasaadka, arrimahaasi oo dhanna waxaan u sameyneynaa inagoo ajiibeyna amarka Allaha sareeya :
{وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى} [المائدة: 2]
Taasina waxaa sii dheer in inaga iyo dhamaan walaalaheena Muslimiinta ay inaga dhexeyso xaqqa la isugu leeyahay Naseexada iyo waajibka la isugu leeyahay is xusuusinta.

7-Diinteena Islaamka ee xaniifka ah waxey mamnuucday dulmi wuxuu ahaadaba, ha loo geysto qof Muslim ah ama qof kale, cadow ha noqdo ama walaal ha noqdo, maadaama ay sidaasi tahay waxaan u sheegeynaa cid waliba ee adduunkan ku dulman -haba ugu badnaadeen dadka wax ku noqonaya danbiyada reer galbeedka iyo Mareykankee- waxaan u sheegeynaa in diinteenu ay tahay midda cadaaladda iyo garsoorka, inaguna aan la damqaneyno dhibaatada dadka madluumiinta ah.

Natiijada Jihaadkeena ka dhanka ah Istikbaarka Mareykanka waxaa uu yahay dulmiga in an ka kor qaadno Madluumiinta, waana dadaal dhaxal gal ah oo dadkaasi looga fakinayo sadbursiga Mareykanka iyo reer galbeedka ee cabiidsaday dadka, kana boobay hantidoodii oo deegaankiina wasakheeyay noloshiina kharibay!
Tani waa fariinteena ku socota Umadda Muslimka ah iyo qof waliba ee xaq iyo cadaalad doon ah.

والله من وراء القصد وهو يهدي السبيل،
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين،
وصلى الله على نبينا محمد وآله
وصحبه وسلم

Ururka Qaacidatul Jihaad/Hogaaka Guud

Rajab 1432H/ June 2011

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *