Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa saaka Qudbad uu ka jeediyay Xaflad uu ku furayay Dhisme Cusub oo loo dhisay Golaha Wakiilada kaga dhawaaqay Furista Ururada siyaasada, wuxuuna  ku wargeliyay golaha wakiilada  inuu usoo gudbiyay si sharciyadii dib

u eegis loogu sameeyo oo ay waajibkooda uga gutaan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hadalkii uu ka jeediyay mashaasi wuxuu u dhignaa sidan:- “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Ururada wax ka bedalkiisa iyo in kaabis lagu sameeyo waan idiin soo gudbiyey waanad ogaydeen in muddo ah inaan guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd, gudidii waxay soo waraysatay Shacbiga oo dhan igyaga oo soo samaayey qiimayn fara badan, waxaanay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furro sidii dhaqanka ahayd go’aankaas axsaabta waa in wax ka bedal lagu samaynayo xeerarka nidaanka Asxaabta waanan idiin soo gudbiyey Inshaalaah waxaan rajaynaa inaydun (Wakiilada) waajibkiina ka gudan doontaan.
waaanagii gacan galinay arsoorka iyo Maxkamadaha oo tacadiyo badani ay ka jireen arrinkaas isku bedal ayaaan ku samayey Garsoorayaasha iyo gudoomiyaha Maxkadamada Sare intooda badan. markaa inaad ansixisaan isku bedalkaas ayaan idinka Codasayaa waanad Mahad santihiin.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Khudbada Madaxweynaha ka hor waxa xafladaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo  u mahad naqay Ururka AWEPA ee Baarlamaanka Afrika oo maalgeliyay dhismahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhismahan ay ku baxday 310 kun oo Dollar, waxaana kharashkaasi 10% bixisay xukuumadda cusub ee Somaliland.

Dhawaaqa Madaxwayne Siilaanyo ee dib u furista ururada siyaasada ayaa ka danbeeyay. Kadib markii ay    hore Gudi  uu hore ugu  saaray ka soo talo-bixisa Furista Ururada Siyaasiga u gudbiyeen  in la furo Ururada, taas oo saaka sheegay inuu sharciyada la xidhiidha arrintaa dib u eegis ay ku sameeyaan golaha wakiiladu.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka dhismahan waxa ka soo qeyb galay masuuliyiinta sadexda xisbi qaran, Shirgudoonka Golaha Guurtida, Wasiirro iyo masuuliyiin kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *