Hargeysa(ANN)Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo saaray digreeto uu xilal ugu magacaabay masuuliyiin Banka Somaliland iyo Madaxtooyadda. Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto kasoo baxday qasriga Madaxtooyadda
oo uu ku seexnaa afhayeenka madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), taas oo lagu sheegay inuu madaxweynuhu maanta u Magacaabay Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL, Cabdillaahi Xasan Aadan, halka uu Maareeyaha samo falka xarunta madaxtooyadana u magacaabay inay noqoto marwo Aamina Maxamud Diiriye, warsaxaafadeedaa ayaa u dhignaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu Maanta soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL.
Waxaanu Madaxweynuhu Yidhi :-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka,
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL.
Markaan Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markaan ku qancay: inuu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Waxaan go’aansaday In Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe (Centeral Bank) ee Jamhuuriyadda Somaliland”
Sidoo kale Warsaxaafadeedka kale ee kasoo baxay xarunta madaxtooyada ayaa isna u dhignaa sidan “Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka, MarkaanTixgeliyey: Ahmiyadda ay Madaxtooyaddu u leedahay Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
Markaan Ka Fiirsaday: Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
Markaan ku qancay: inay hanan karto xilkan loo magacaabay, Waxaan go’aansaday
In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad) ee Jamhuuriyadda Somaliland”
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
Markaan Ka Fiirsaday: Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
Markaan ku qancay: in ay hanan karto xilkan loo magacaabay.
Waxaan go’aansaday
In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad) ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka warsaxaafadeedka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380