Hargeysa(ANN) Madxaweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xil cusub oo wasiirnimo u  magcaabay Hogaamiyihii Malayshiyada nabad-diidka ee Buuhoodle oo ka mid ahaa kooxdii qaadatay gogishii  nabada

 

ay ku baaqday xukuumadda Somaliland. sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Qoraalka kasoo  baxay xafiiska madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012            ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                   Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale sarkaalka xilka loo magcaabay, ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii  kooxda nabad-diidka ee Buuhoodle, balse markii danbe ka mid noqday kooxdii qaadatay nabada, isla markaana Urur siyaasadeed kaga dhawaaqay Somaliland, balse Ururkaa oo magaciisu ahaa SSCD, ayaa ka mid ahaa Ururada ku haddhay wareegii hore ee tartanka Ururada siyaasada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *