“Arrinta Wadahadalka Somaliland iyo Somalia way fiicantahay, wuxuu ku salaysanyahay ….” Prof. Ismaaciil Buubaa

Muqdisho(ANN) Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo  ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya soo maray ee debeda loogu soo dhisay, tan iyo markii ay burburtay dawladii Somalia ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya tahay

 

mid lagama maarmaan ah, isla markaana waxa uu ku dooday in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku salaysan yahay arrinta midnimada.
Ismaaciil Buubbaa waxa uu sidaa ku sheegay  waraysi uu siiyay weriye ka tirsan shebekadda wararka ee Berberanews, kaas oo uu ku sheegay  inay Somaliland cabbudhin ku hayso dadka reer Somaliland ee taageersan fikirka midnimada Soomaaliya, waxaanu siyaasad aan bislayn ku tilmaamay hadal Xukuumadda Somaliland ka soo yeedhay oo ay ku sheegtay inay Soomaaliya ku hayso faro-gelin qaawan oo cawaaqib-xumo geeska oo dhan ka dhalin karta. Isagoo intaa ku daray inuu Hargeysa iman doono maalin maalmaha ka mid ah.
Prof: Ismaaciil Buubbaa oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa Shabakadda wararka ee Berberanews caawa khadka taleefanka ku waraysatay, waxaanu waraysigaa Prof: Buubbaa kaga hadlay, arrimo faro badan oo la xidhiidha Shirarka ka socda magaalada Muqdisho, ansixinta Dastuurka, doorashada Baarlamanka iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya yeelanayso inta ka horraysaysa 21 bishan aynu ku jirno. Ismaaciil Buubaa oo dhallasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aamisan fikirka midnimada Soomaaliyeed, waxa kale oo uu ka hadlay Ergooyinka Somaliland ka tagay.
Waraysiga Berberanews la yeelatay Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa oo ahaa su’aalo laga weydiiyay arrimahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyay ayaa  u dhacay sidan:-
Su’aal: Ismaaciil, waxaad joogtaa Muqdisho oo uu ka socday Shirkii Dastuurka Soomaaliya oo Arbacadii la ansixiyey, waxaana dhawaan lagu dooranayaa Baarlamanka cusub oo iyaguna Madaxweyne dooran doona, bal arrimahaasi siday u socdaan nooga warran?
Jawaab: Shirarkan Muqdisho ka socda aad iyo aad ayey caalamka iyo Soomaalidu-ba isha ugu hayaan, waxaana la doonayaa in dawlad Dastuuri ah Soomaaliyi yeelato, illaa immikana si fiican bay wax u socdaan. Arrintaa ansixinta Dasruurka cusub ee Soomaaliya yeelatay-na waa wax weyn oo muhiimad badan u leh ummadda Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed iyo caalamka Soomaaliya taageeraaba aad bay u soo dhaweeyeen, waana wax loo baahnaa.
Su’aal: Shirarkani waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyey ee intii 1991-kii ka dambaysay lagu qabto gudaha Soomaaliya, maxaad is-leedahay way kaga duwan yihiin shirarkii dalalka dibedda lagu qaban jiray ee dawladaha ku-meel-gaadhka ah Soomaaliya loogu soo dhisi jiray?
Jawaab: Horta marka dhinac laga eego aad bay u wanaagsan tahay oo in ummadda Soomaaliyeed gudaha dalkooda wax loogu qabto ama loogu dhiso way habboon tahay. Marka gees kale laga eegana Shirarkii Carta, Jabuuti iyo Impigaati ee dawladihii hore ee Ku-meel-gaadhka ah Soomaaliya loogu soo dhisay wax badan kuma kala duwana, inkasta oo aan weli la gaadhin doorashadii Baarlamanka cusub oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha.
Su’aal: Ismaaciil Buubbaa, waxa tahay nin Siyaasadda Soomaalida muddo ku soo dhex-jiray, waxaana hadda jira oo Muqdisho kula jooga Rag badan oo Musharrixiin ah oo Jagada Madaxweynennimada Soomaaliya inay u tartamaan doonaya, saadaashaada Musharrixiintaa yaa ugu cadcad ama ugu rejo fiican baad isleedahay inay guulaystaan?
Jawaab: Waa su’aal fiican, way jiraan Rag badan oo musharrixiin ah oo damac Madaxweynennimo leh, laakiin rejadoodu waa mid ku xidhan tayada uu yeelan doono Baarlamanka cusub ee la dooranayaa, haddii Baarlamanka la dooranayaa noqdo mid aqoon ahaan, waddaninnimo ahaan iyo aragti ahaanba tayo fiican oo lagu soo xusho leh, waxay dooran karaan qof u qalma Madaxweyne-nimada Soomaaliya oo waddaniyad ahaan, aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanba dhisan. Laakiin, haddii tayada ay yeelanayaan Baarlamanku noqoto mid hoosaysa ama aan dhammaystirnayn lama saadaalin karo, rejaduna waxay ku xidhan tahay hadba sida Baarlamanka cusub noqon doono, markaa, taa immika kuma deg-degi karno.
Su’aal: Md. Buubbaa, Madaxweynaha hadda talada Soomaaliya hayaa Sheekh Shariif, waxa uu ku doodayaa inuu leeyahay CV fiican oo aanay lahayn Musharrixiinta qurbaha ka soo noqotay, kaasoo uu u dhigayo waxyaabaha uu dalka ka qabtay muddadii uu xilka hayey, waxaana la saadaalinayaa inay taasi u sahasho in mar kale Madaxweyne loo doorto, arrintaasi Ismaaciil ahaan ma kuu muuqataa?
Jawaab: Horta wax badan oo uu kaga duwan yahay Musharrixiinta kale way jiraan, laakiin wax badan oo uu doonayey inuu qabto oo aan u qabsoomin Sheekh Shariif way jiraan. Rag badan oo Siyaasiyiin ah oo isbeddel keeni karaana way jiraan, balse sidaan kuu sheegay rejada Madaxweynaha Soomaaliya yeelan doontaa waxa ay ku xidhnaan doontaa tayada Baarlamanka cusub ee la dooranayaa yeesho.
Su’aal: Waxa jirta inaan Beelaha Soomaaliyeed u dhammayn nidaamka wax lagu dooranayo, sida Somaliland oo Ergooyinka dhankeeda ka tagay ku tilmaantay kuwo aan cid matelin, isla markaana Somaliland dembi ka galay oo hadday soo noqdaan lagu qaadi doono, taasi miyaanay jirin?
Jawaab: Beelaha Soomaaliyeed Waqooyi way joogaan halkanna (Muqdisho) way joogaan, fikirka kala go’ana cidna dani uguma jirto, Dad Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Boorame ka yimi-ba shirka way joogaan, waxaanay la siman yihiin kuwa Kismaayo, Boosaaso, Baydhabo iyo Baladweyn ka yimi, xuquuq simanna way leeyihiin, waxaanay xaq u leeyihiin inay waxna dooran karaan lana dooran karo, markaa maaha in la yidhaahdo ciddii fikirka maamulkayga ka soo horjeesataa way qaldan tahay. Dadka midnimada taageersan ee Somaliland jooga iyo kuwa kala go’a taageersanina xuquuq siman oo siyaasi ah ayey leeyihiin, duniduna hadda cabbudhin way ka gudubtay, Geeska Afrikana dani uguma jirto inay Soomaaliya kala go’do, maalin ay timaaddana midnimadu way imaynaysaa, Soomaaliduna marnaba ma kala maarmi karto.
Su’aal: Ismaaciil, Xukuumadda Siilaanyo waxay sheegtay inay dawladda Soomaaliya faro-gelin qaawan oo khalkhal iyo kala fogaan dhalin karta ay ku hayso gudaha Somaliland, arrintaasi ma kuu muuqataa adiga?
Jawaab: Aniga taasi iima muuqato, dadka Somaliland joogaa dad kala go’a taageersan iyo kuwo midnimada taageersan ba way leeyihiin, Shirarka halkan ka socda iyo doorashaduna maaha doorashadii caadiga ahayd ee inta Sanduuq meel la dhigo dadku qofka ay doonayaan u codaynayaan, ee haddii Alla badankeeda leeyay waxa weeye mid beelo ku salaysan, Beelaha Soomaaliduna Waqooyi (Somaliland) way joogaan, Muqdisho way joogaan, Kismaayo way joogaan meel kastana way joogaan. Markaa, inay Somaliland tidhaahdo waa nalaga dhex Kalluumaysanayaa waxaan u arkaa fikrad qaldan iyo siyaasad aan bislayn. Meeshana ma taallo dimuquraaddiyad baan doonayaa oo aan ku dhaqmayaa iyo dadka fikirkooda waan cabbudhinayaa. Somaliland lafteedana in Baarlaman tayo leh oo Soomaaliyeed yimaaddo dan badan baa ugu jirta.
Su’aal: Laakiin, Somaliland dawlad bay dhisatay ku salaysan Dastuurka oo 97% dadka reer Somaliland u codeeyeen, markaa dadka gobollada Somaliland ka tagay ee Shirarka Soomaaliya ka qaybgala sharciba dembiilayaal ka dhigaya ayaa uga yaalla, iyada oo taasi jirto in halkan dadka looga yeedho miyaanay faro-gelin ahayn?
Jawaab: Maaha faro-gelin, waayo? Dadku fikirkooda iyaga ayaa u xor ah, dunida dimuquraaddiyaddu ka jirtaana aad bay u tixgeliyaan xornimada fikirka qofka, markaa dadka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo ama Boorama iyo meelaha kale ee Somaliland-ba way ku jiraan kuwo midnimada Soomaaliyeed taageersan iyo kuwo gooni-isu-taagga doonayaa, laakiin waxaan kuu sheegayaa inay dadkaasi xaq iyo xuquuq siman leeyihiin. Ta ay Somaliland leedahay waa nalaga dhex kalluumaystayna waa arrin ku salaysan siyaasad aan bislayn, mana aha in dadka xuquuqdooda lagu tunto, oo fikirkooda ay dembiilayaal ku noqdaan.
Su’aal: Waxa dhawaan bilaabmay wadahadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wadahadalladaasi waxay Somaliland u muujiyeen rejo fiican oo la xidhiidha dhinaca gooni-isu-taaggeeda iyo inay aqoonsi buuxa beesha caalamka ka hesho, aqoonsigaasi mid iman kara ma kuula muuqdaa?
Jawaab: Horta anigu ma jecli inaan idhaahdo way riyoonayaan! Taasina waa rabitaankooda, laakiin aniga waxa ii muuqda inay imanayso dawlad Soomaaliyeed oo midaysani, way jiraan maammulo badan oo aan Somaliland ahayn sida Puntland, Galmudug iyo kuwo kale, dhammaantood waxay ka mid noqon doonaan Soomaaliya, Somaliland-na waxay noqon doontaa mid ka mid ah Soomaaliya. Arrinta wadahadalku way fiican tahay, waxaanu wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku salaysan yahay midnimo, Afrikana dani uguma jirto in la kala googo’o, duniduna midnimo ayey taageeraysaa. Markaa Xukuumaddan uun maaha ee maammuladdii Somaliland u kala dambeeyey-ba waxay aamminsan yihiin gooni-isu-taag.
Su’aal: Ismaaciil, waxaad muddo ku soo jirtay Siyaasadda Soomaalida, immika ma jiraa damacsiyaasadeed oo aad ku doonayso xilalka dawladda cusub ee loo tartamayo?
Jawaab: Qofkasta oo siyaasi ahi damacsiyaasadeed wuu leeyahay, dabcan aniguna Siyaasiyiinta ayaan ka mid leeyahay damac iyo hanba waan leeyahay, laakiin anigu dantayda damaca siyaasadeed waxaan ka horreysiinayaa danta ummadda Soomaaliyeed oo ah inay dawlad fiican oo Dastuuri ahi u dhisanto oo ay dhibaatada 21-ka sano ay Soomaalidu ku soo jirtay laga baxo. Sidaan hore kuugu sheegayna doorashada Baarlamanka ka dib ayey wax kala caddaanayaa, wax walibana wuxu ku xidhan yahay tayada uu Baarlamanku yeesho, markaa ku degdegi maayo inaan ku idhaahdo xilkaas baan rabaa, laakiin han iyo damac siyaasadeed-ba waan leeyahay.
Su’aal: Waxa dhawaan soo baxay hadal-hayn la xidhiidha in Ismaaciil Buubbe ahaan aad Hargeysa imanayso, hadal-hayntaa maxaa ka jira?
Jawaab: Wax way ka jiraan, laakiin waxaan doonayaa inaanay imashadayda Hargeysa khalkhal gelinnin degganaansha iyo nabadgelyada Somaliland ka jira, sababta oo ah, waxa jira fikir ay maammullada Somaliland soo maray aamminsan yihiin oo ah ta gooni-isu-taagga, aniguna inkasta oo aan Somaliland waxay qabsatay iyo nabadgelyada ay samaysteen ku ammaanaya, haddana fikir kaa ka duwan baan qabaa oo ah midnimada Soomaaliyeed, waayo Afrika, Yurub iyo caalamka oo dhan baa aragtidaa qaba. Markaa marka kollay waan iman doonaa Hargeysa, balse inaan deggenaanshaha saamayn ku yeesho ma jecli.
Xigasho Berberanews

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *