Laascaanood(ANN) Xisaabiyihii maamulka Gobolka Sool Marxuum Cabdi Cawil Xasan, ayaa caawa fiidkii lagu toogtay badhatamaha suuqa magaalada laascaanood waxyar ka dib markii uu ka soo baxay salaadii makhrib, isagoo xiligaa u socday gurigiisa oo aan sidaa

uga fogayn goobta lagu dilay.
Sida ay sheegayaan wararku, marxuumka, waxa toogtay dablay aan la aqoonsan, kuwaas oo tacshiirad rasaas ah kala beegsaday madaxa, kadibna baxsaday,  taas oo sababtay inuu ku nafwaayo halkaa marxuumku.
Ma jiro dilka sarkaalkaa cid loo qabtay, balse ciidamada Booliska ayaa bilaabay, iyadoo ay dablaydii falkaa geystay baxsadeen.
Dhinaca kale dilkan ayaa kusoo beegmay,  iyadoo xalay hal askari dhaawac fududi kasoo gaadhay weerar bamboo  oo lagu qaaday Guriga uu Maayarka cusub ee magaalada Laascaanood deganyahay, iyadoo  askarigaasi ka mid ahaa ilaalada maayarka Laascaanood.
Dilalka xarunta gobolka Soola, ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka socday halkaa, kuwaas oo aan cidna loo qaban, isla markaana lala  beegsado masuuliyiinta gobolka iyo degmada Laascaanood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *