Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dawladda Britain  oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay

 

qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa si kooban loogaga hadlay ujeedada wefdiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland. Wuxuuna qoraal saxaafadeedka kulankaa ka dib kasoo baxay madaxtooyadu   u qornaa  sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti 3 Xunood ka kooban oo uu Hogaaminaayo       Tin Hitchens, Director for Africa-ka Dawlada Ingiriiska ee Africa.
Weftigan oo u jeedada Socdaalkoodu daba socdo booqashooyin  isdaba joog ahaa oo ay madaxda Ingiriisku ku timid Somaliland mudooyinkii u danbeeyay, waxa uu madaxweynuhu uga waramay ee Dhinacyada siyaasada, nabad gelyada iyo Dhaqaalaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahad naqay socdaalka ay ku yimadeen Somaliland iyo Xidhiidhka wanaagsan ee wakhtigan ka dhexeeya labada Wadan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Tin Hitchens, Director for Africa Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia and ayaa ka waramay ujeeddada Socdaalkooda oo ay sheegeen in uu daba socdo socdaaladii hore ee ay dalka ku iman jireen iyo xogogaal u noqoshada guud ee Somaliland.
Xubnaha Weftigu Waxay madaxweynaha iyo Somalilandba ku amaaneen  dedaalka ay ka sameeyeen dhinaca nabad-gelyada iyo horu-marka waxanay ku adkeeyeen kuna dhiiri-geliyeen inay halkaasi  ka sii wadaan oo aanay ka Caajisin Dedaalkaas oo ay somaliland hore ugu caano maashay.
Dhinaca Somaliland Madaxweynaha waxa kulanka ku Wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, la taliyaha Arrimaha Ictiraaf-raadiska  iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.
Dhinaca Weftiga waxay ka koobnayeen,
1.        Norman Ling, British Ambassador to Ethiopia.
2.      Tin Hitchens, Director for Africa
3.      Matt Woods, First Secretary.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale wufuud ka socota dawladda Britain iyo beesha caalamka ayaa booqashooyin isdaba joog ah ku imanayay Somaliland mudooyinkii u danbeeyay, kuwaas oo si weyn ugu riyaaqay horumarka, nabadgelyada iyo dumuqraadiyada Somaliland, isla markaana dawladda Britain ayaa dhowaan shaacisay inay laban laabay caawimadii dhinaca hurumarinta adeegyada  aasaasiga ah ee Somaliland, iyadoo ay mashaariic malaayiin dollar ku baxayso doonayaan inay ka fuliyaan Somaliland, kuwaas oo loo qorsheeyay in shaqo abuuris loogu sameeyo kumanaan qof oo muwaadiniinta Somaliland ah, isla markaana la rajaynayo inay wax weyn ka taraan shaqo la’aanta haysta dhalinyarada Somaliland.  
Araweelonews  Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *