Laascaanood(ANN)Koox dablay ah oo aan la aqoonsan  ayaa caawa caweyskii   ku dilay gudaha magaalada Laascaanood Taliyihii Sirdoonka  Gobolka Sool ee Somaliland Marxuum Maxamed Maxamuud Xirsi  (Asad), isla markaana  dhaawac gaadhsiiyay  Taliye-ku-xigeenkiisii

 

Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah, ka dib markii ay  niman hubaysani ay ku dhex toogteen badhatama a magaalada Laascaanood oo ay xiligaa  ku sugnaayeen.

Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan dulleedka Laascaanood, ayaa gudaha u galay magaalada Laasannood markii ay ka war heleen dilka iyo dhaawaca loo geystay saraakiishaa, kuwaas oo xaalada amaanka  magaalada  la wareegay.
Wararka aanu ka helay dhinaca magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inay laba Nin oo aan weli la aqoonsani tacshiirad rasaas ah ku fureen saraakiisha. Sidaana uu ku geeriyooday Taliyihii  sirdoonka  ee gobolka, balse ku xigeenkiisa ayaa dhaawac soo gaadhay. Kadib markii ay rasaastu ka haleeshay lugaha. dableyda geysatay dilka ayaa baxsaday markii ay fuliyeen hawlgalkaa, balse ciidamada amaanka ayaa raadinaya kooxda fulisay falkaa, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow caawa. 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay kooxda dilka fulisay ahaayeen laba Nin oo wejiga soo duubtay, halka ay warar kalena sheegayaan inay ka badnaayeen laba Nin, isla markaana ay  xidhnaayeen dirayska tuutaha  ciidamada.
Dalal sidan oo kale ah ayaa hore uga dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo lala beegsan jiray masuuliyiinta hay’addaha dawladda Somaliland qaarkood, waxaana dilalkaa qaarkood lu ku yeeshay kooxaha lagu tilmaamo argagixisada iyo maamulka budhacad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe.
Magaalada Laascaanood waxa ka socda siyaasado ay wataan maamulka budhacad-badeeda garoowe iyo kooxo iyaguna xidhiidh la leh kooxaha koonfurta Somalia ka dagaalama ee maraykanku ugu yeedho  argagixisada, kuwaas oo doonaya inay dadka shacabka ah kiciyaan, iyagoo waxyaabo aan xaqiiq ahayn u sheegaya, isla markaana doonaya inay qas iyo dagaalo ka abuuraan deegaanka Laascaanood oo xasiloonideedu si weyn usoo noqotay tan iyo intii ay ciidanka qaranka Somaliland ka caydhiyeen halkaa kooxda malayshiyada Budhcad-badeeda ee Garoowe dhawr sannadood ka hor, balse shirqoolo sidan oo kale ah ayaa dhawr goor laga fuliyay labadii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo intooda baddan ahaa kuwo siyaasadeed.
Dhinaca dilalka caawa lag fuliyay xarunta gobolka Sool ayaa kusoo beegmay iyadoo ay ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan duleedka Tukaraq weerar kusoo qaadeen malayshiyada Faroole ee Budhacad-badeeda, kuwaas oo  dhirbaaxo kulul kala kulamay ciidanka qaranka Somalialnd oo gaadiid iyo maxaabiisba ka qabsaday, isla markaana gaadhsiiyay khasaare dhimasho sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka qaranka Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@arweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *