Hargeysa(ANN)Komishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa shaaca ka qaaday xiliga ay u qorsheeyeen inay qabanayaan doorashooyinkii golayaasha deegaanka  Somaliland  oo ay sheegeen inay dalka ka dhacayaan   dhammaadka sannadkan 2011. Sidaana  waxa shaaca ka qaaday

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland   Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay  shir jaraa’id ku qabtay Hutel xaraf ee magaalada Hargeysa, wuxuuna  sheegay inay komishan ahaan diyaariyeen qorshihii lagu geli lahaa doorashadii Goleyaasha deegaanka oo uu tilmaamay inay u qoondeeyeen in la qabto dhamaadka sanadkan 2011-ka gaar ahaan bilaha October, November iyo December mid ahaan.

“Qorshaha aanu samaynay waa mid laba nooc ah oo waxaanu ku tallo galay haddii la furo ururada siyaasada ee Madaxweynuhu gudidii ka soo tallo bixinaysay dhawaan magacaabay . Waanu ku sii xisaabtanay  haddii la furo sidii doorashada loo qabanayay. waxa kale oo aanu qornay  qorshe kale oo ah haddii ay sadexdii xisbi qaran oo qudhi sii jirayaana qorshihii waa naga diyaar oo waxaanu u gudbinay Madaxweynaha,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka  Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa kale oo uu ka hadlay eedo uu u soo jeediyay Xisaabiyihii hore ee qaranka oo sheegay inay xubnaha Komishanku ku lug lagaayeen erigiisa, “Waxa jirtay in xisaabiyihii guud ee la eryay uu  maalmahan ka hadlayay cambaarayn uu u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka, markii hore umanaan jawaabin waayo waxaanu u arkaynay nin shaqo laga eryay  oo cabanayay laakiin waxaanu aragnay in mowduucii ay saxaafadii sii qaadatay oo ay ka sameeyeen faallooyin. Xisaabiyaha guud waxa mara foojarada dawlada oo dhan anaguna waxaanu ku shaqaynaa miisaaniyad. Waxa dhacday inaanu isla meel dhignay Wasaarada Maaliyada miisaaniyaddii aanu Komishan ahaan ku shaqaynaynay oo aanay ku jirin kharashkii doorashada  kharashkaasi oo dhammaa 2 Bilyan oo shilin.
Waxa dhacday in nalagu soo celiyay miisaaniyaddii aanu qoranay oo 30% la dhimay, markaa xisaabiyihii wuxuu shaqaalihii komishanka ka hor istaagay mushahar kordhintii  shaqaalaha iyo ciidamadaba ay xukuumaddu 100% u kordhisay. Wuxuu yidhi komishanku kuma jiraan meelaha mushaharka loo kordhinayo oo ay ka mid yihiin shaqaalaha dekada iyo Ha’yadaha kale ee dawliga ah qaarkood, waxaanu markaa ku nidhi anagu ma nihin Ha’yad dakhli soo saar oo waxaanu nahay Komishan qaran. Waxaan idiin sheegayaa ninkii xisaabiyaha ahaa waanu la shaqayn kari waynay oo foojar kasta oo naga gala wuxuu noogu dhamaanayay wasto oo waxaanu la hadlaynay wasaarada maaliyada ama madaxtooyada,”ayuu yidhi Afhayeenka Komishanku.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.  info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *