Hadraawi1Hargeysa(Araweelo News Network) Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ka hadlay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya

 

xukuumadda Somaliland Iyo siyaasiyiinta la baxay Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, wuxuuna ugu baaqay  inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal, isla markaana mucaarid iyo muxaafidba wuxuu usoo jeediyay inay ahmiyadda saaraan ilaalinta midnimadda iyo qaranimada Somaliland.

 

Abwaan Hadraawi oo hadal kooban siiyay saxaafada, isagoo ka hadlaya arrintaa, wuxuu yidhi, “ Si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada Somaliland ee loo soo halgamay, waxa loo baahan yahay in wada hadal lagu dhameeyo is mari waaga ka dhex taagan xukuumadda iyo siyaasiyiinta la baxay golaha wada tashiga,”.

 

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu ku booriyay mucaarid iyo muxaafidba in la wada ilaashado qaranimadda qiimaha adag innagu taagan, isagoo yidhi,  “Cid aynu ku xidhan nahay oo wax innagu kor dhisa oo wax inagu biirisaa ma jirto, markaa waxaan u malaynayaa ummada dhex joogta dalka iyo maamulka hogaaminaya dhammaanteen waxba la hagrran maayo ,waxa yar ee maanta gacanta lagu hayo ayaa karaamadeenii ku dhisan tahay, waxaan labada dhinac kula talin lahaa waa la iswada garanayaaye, in la isa soo hor fadhiisto, in la wada hadlo oo dhinac waliba waxa ay la tahay sheegto oo la ilaaliyo Qaranimada iyo midnimada ummada aayaheedda”. Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

 

“Waxa loo baahan yahay dhinac saddexaad oo soo dhexgala oo waxa laysku hayo oggaada, waa dawladda iyo dhinacaa aynu ka hadlayno, waa loo baahan yahay oo waa shay meesha ku jira in laga hadliyo nimankan magacooda aynu sheegayno oo mushkiladooda la waydiiyo oo la soo fadhiisiyo, waxa mar walba la ilaalinayaa Qaranimada iyo midnimadda,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *