5565655Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka UDHIS Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay xoriyadooda u soo celiso Boqor Cimaan Aw Maxamuud (Buur Madoow) oo u xidhan fakerkiisa iyo Saddexda masuul oo

 

ku eeddaysan raashin caawimo ah oo la lunsaday.
Iyadoo aanay jirin maxkamad la horgeeyay Boqor Buur-madaw  iyo Masuuliyiinta kale oo xabsiga ugu jira xukun la’aan tan iyo bilawgii Maech 2012.
Muj. Dhegaweyne, oo  maanta hoteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa,  ku qabtay shir’jaraa’id, wuxuu   warbaahinta ugu waramay, ayaa ku eedeeyay xukuumadda in raashinka la lunsaday ay iyadu masuul ka ahayd, isagoo yidhi, “ Berbera, Burco iyo Hargeysaba waxa aad moodaa in ay wax ku lumeen, waxa ay ahayd in masuuliyiintan haddii ay dawladu wax ku heshay in la soo taago maxkamad muddo 48 saacadood ah, waxa loo baahan yahay in xitaa cida dunuubta la leh la soo qabto, waxaanan odhan lahaa hebel ku ceebee iyo hebel ku fadeexadee yaanay noqonine,qofkuna haddii uu dambe leeyahay in si sharciga waafaqsan kiiskiisa loo dhagaysto weeye.
Waxa weeyaan Xamarji hadii aan waxba lagu haynin in la sii hayo maaha, mana qurux badna in kolba waraaq nooc kale ah la soo saaro, waxaana hadda cad in aanu dambi lahayn ee cidii dambiga gashay laga war-wareegayo, waxa la mid ah boqor Buur Madoow oo isna xidhan, sidoo kale Agaasimihii guud ee arrimaha dibadda waxa la yidhi dalka kama bixi kartid.”ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne.
Waxa uu cadeeyay in xadhiga aan sharciga waafaqsanayni yahay kii lagula soo dagalaamay dawladii Maxamed Siyaad Bare, isagoo yidhi,  ”Xadhiga aan xaqa ahayni waa wixii laga soo dagaalamay, 24 saacadoodna qofka bani aadamka ah lama haysan karo, waxa aanu leenahay ha la soo daayo, hadii qof aad xidho xilkana ka qaado, walibana aad xadhig ugu darto waxa aanu leenahay waa wixii shalay la isku dilay, qofna la iska haysan kari maayo, laakiin hadii ay suldaan, agaasime iyo masuuliyiin kale ay iska xidhaan fadeexadii ugu weynayd bay xukuumadu lugaha kula jirtaa loomana dul qaadan karo”
“Masuuliyada tuugadan, dambiga loo haysto agaasimaha guud xukuumadda ayaa iska lahayd, waxaanan leenahay adiga ayay ku dul taalaaye meel isaga qaad, hana ku waalanin kolba qof aanad dambi ku haynin,”ayuu hadalkiisa kaga baxay.
Mar uu ka jawaabayay sababta loo weynayn waayay maalintii la aas-aasay SNM oo ku beenayd shalay ayaa waxa uu yidhi,  “sidaa uu dayacu uga muuqdo agoontii iyo naafadii SNM ee qabyaaladda loogu shaqaynayo ayaa ka sal ah, mujaahidiintii waa kuwan halkan i wada garab fadhiya”
Sidoo kale mar la weydiiyay eeddaha xukuumadda lagu eedeeyo inaanay dhex ka ahayn ururadda tartamaya,  waxa uu yidhi,  “Anagu ururadda tartamaya ayaanu ka mid nahay, dhakhsana waxa aanu u qabsanaynaa shir weynihii ururka, laakiin dawladu dhex kama aha ururadda tartamaya, waxan uu gaboose la qaylinayaana waa dhab, waydinkii arkaayay ururadii lagu sitay Baabuurta inay ururo samaysatayna way cadahay”ayuu yidhi Muj. Dhegaweyne.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *