Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa caawa soo saaray xeerar  iyo digreetooyin xidhiidh ah oo lagu tir tiray digreetooyin hore u dhaqan galay, isla markaana dhismaha hay’addaha dawlada qaarkood wax ka bedelay. sidoo kalena awaamiir cad ka soo saaray dhismayaasha dawlada dhulka

 

iyo hantida ma guurtada ah.
Xeerarka iyo digreetooyinka Madaxweyne Siilaanyo caawa sida xidhiidhka ah usoo saaray oo ahaa sadex, isla markaana nuxur iyo awaamiir kala duwan oo maamul xanbaarsanaa, ayaa u dhignaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1368/102012 oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey saddex waaxood oo ka kala tirsanaa saddex wasaaradood, haatana laga bedelay oo wasaarado kale la hoos geeyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1368/102012 oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey saddex waaxood oo ka kala tirsanaa saddex wasaaradood, haatana laga bedelay oo wasaarado kale la hoos geeyey.

Wuxuu soo saaray xeer Wasaaraddaha xukuumadda wax ka bedel lagu sameeyay qaarkood, sida Sama-falka Madaxtooyada, Waaxda Dhaqanka oo ka tirsanayd wasaarada Ciyaaraha iyo waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd wasaarada Ganacsiga, waxaana nuxurka xeerka laysugu raray waaxahaas u dhignaa sidan:-

1.         Hay’adda sama-falka Madaxtooyadda waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta.

2.      Waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa la-hoosgeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhayo Wasaaradda   Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

3.      Waaxda Dhaqanka oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha , waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi Gelinta oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhi doono Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta
sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Hay’adda wadooyinka hoos geeyay Madaxtooyada, wuxuuna qoraalka xeerka uu kusoo saaray u qornaa sidan:-
Maxdaxweynuhu:-

Markuu arkay;              Qodobka  90aad  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu dersay;                        Baahida loo qabo in La dejiyo Hay’ad si wax tar leh wax uga qabata sahaminta, horumarinta, dhisidda iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka.

Markuu tixgeliyay;                    Ahmiyadda weyn ee  Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL,

Markuu tixgeliyey;                    Talada Wasiirka Wasaraadda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo La-taliyaha Hay’adda Waddooyinka,

Markuu garwsaday;                  Inay tahay waqti ku habboon in la dhiso Wakaalad horumarisa oo daboosha baahida waddooyinka,

Isago maanka ku haya; Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay     Qaranka muhiim u tahay,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad;  

1.         Waxa uu  tirtiray Guddida Maamulka Waddooyinka (RoSAB), Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), iyo Sanduuqa Dhaqaalaha Wadooyinka (RFA).

2.      Waxa uu laalay Wareegtada  Madaxwayne ee sumadeedu tahay No.29/32000  ee soo baxday 6 March 2000.

3.      Hawsha dayactirka waddooninkana, waxa uu Xeerkani u wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta JSL, dakhliguna waxa uu uga imanaya qaybta ay ku leedahay (%) Cashuurta wado marista (R/Levy), Liisamada Gaadiidka (L/Levy) iyo wixii Deeq dayactir ah ee laga helo deeq-bixiyayaasha.

Qodobka 2aad;   Waxa Xeerkan lagu aasaasay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)) oo hoos imananaysa Wasaaradda Madaxtooyada JSL, isla markaana yeelanaysa Maareeye Guud.

Qodobka 3aad;   Wakaaladan waxa loo aasasay si ay u horumariso  shabakadda wadooyinka Qaranka (National Road Network),  una dejiso hannaan lagu horumariyo waddooyinka.

Qodobka 4aad;   Xilka  iyo waajibaadka   Wakaaladdu  waa;

1.         Isku duwidda barnaamijyada horumarineed ee Waddooyinka Somaliland.

2.      Sahaminta, isku xidhka  iyo dejinta hannaanka  dhismaha Waddooyinka.

3.      Isku duwidda iyo isku habaynta barnaamijyada ku aaddan horumarinta Waddooyinka.

4.      Maamulidda deeqaha iyo hantida  lagu horumarinayo  Waddooyinka.

5.      Hubinta in hantida loo isticmaalay hab sax ah oo waxtar u leh Waddooyinka.

6.      Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha qorshaynta, dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka.

7.       Diyaarinta siyaasad qaran oo ku aaddan horumarinta Waddoyinka.

8.      Codsashada kaalmo gudeed iyo mid dibedeedba.

9.      Maamulidda maaliyadda iyo samaynta xisaabo u gaar ah.

Qodobka 5aad; 

1.         Maareeyaha Wakaalada  waxa soo magacaabaya Madaxweynaha JSL.

2.      Mareeyaha Wakaaladdu  waa sarkaalka maamulka iyo maaraynta Wakaaladda.

Qodobka 6aad;   Maareeyaha wakaaladdu  wuxuu u xilsaaran yahay:

1.         Fulinta go’aamada ka soo baxa Wasaaradda.

2.      Wadidda hawl maalmeedka Wakaaladda.

3.      Haynta raadraaca  xisaabaadka, iyada oo la raacayo hab xisaabeedka laamaha dawladda.

4.      La-saxeexidda jeegagga iyo foojarada Wasiirka iyo Agaasimaha Maamulka (Waxay ku baxayaan saddex saxeex), maamulidda maaliyadda iyo miisaaniyadda.

5.      Diyaarinta warbixin sandeedka Wakaalada.

Qodobka 7aad;

1.         Wakaaladdu waa in ay diyaarisaa warbixin sanadeed iyo xiligii loo baahdo, warbixintaas oo koobaysa  wax-qabadka iyo hab-xisaabeedka Wakaallada.

Qodobka 8aad;               Qorista  shaqaalaha Wakaaladda waxa loo raacayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda

Qodobka 9aad; 

1.         Dakhliga Wakaaladdu waxa uu ka imanaya  qaybta ay ku leedahay miisaniyadda Qaranka, qaybta ay ku leedahay Cashuurta Shidaalka (F/Levy)  iyo wixii deeqo ah ee soo gala.

2.      Habka maamulka maaliyada waxa loo racaayaa hanaanka Xeerarka maaliyada ee dalka.

Qodobka 10aad;   Wakaaladu waxay yeelanaysaa waaxaha lagama Maarmaanka u ah hawl gudashadeeda, waxaana Xeer ku
soo saaraya Wasiirka.

Qodobka 11aad;    Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka Madaxwaynuhu Saxeexo.

Dhinaca kale Wareegto kala kale oo Madaxweyne siilaanyo kaga hadlay dhulka iyo hantida dawlada ayaa u qornayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadiisu tahay  JSL/M/XERM/249-1367/102012,  ka soo saaray Hantida Ma-guurtada ah ee Dawladda:

Madaxweynuhu:-Markuu arkay;  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu arkay;  Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu arkay; Xeerka Dhulka X. Lr. 17/2001,

Markuu tixgeliyey;        Wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay JSL/W/W/236-747102011,   Kuna taariikhaysan 16/10/11,

Markuu tixgeliyey;        Xeerarka Dalka ee la xidhiidha Hantida Dawladda iyo lahaashaha, Wuxuu soo saaray Wareegtadan

Qodobka 1aad
1.         Waxa mamnuuc ah qofka gacanta ku haya Hantida ma-guurtad ah (sida Dhulka iyo Dhismayaasha Dawladda) inuu ku tagri falo iyo in uu qof kale ku wareejiyo.
2.      Waxaa la joojiyey dhismaha dhulka shacabka iyo guryaha dawladda ee aan dawladu gacanta ku hayn. Waxa reeban in magdhaw la siiyo cid kasta oo dhisatay Dhulka dhismaha ka caagan (Dhulka Danta Guud ah, Dhulka Shacabka, Dhulka Garoomada diyaaradaha ku gedaaman, Dhulka Xeryaha Ciidammada, Iskuullada iyo Garoomada Ciyaaraha) mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

Qodobka 2aad
In aan magdhaw la siin Qofka dhistay, dhalan-roggay ama si uun wax ugu daray Hantida ma-guurtada ee Dawladda, mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.
Qodobka 3aad

in gacan ku haynta Hantida Ma’guurtada ah ee dawladda ee shacabku gacanta ku hayo, lagu soo celiyo gacanta dawlada, waxaana loo saari doonnaa Guddi u gaar ah.

Qodobka 4aad

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waxaa la faraya inay fuliyaan awaamiirta ay wareegtadani xambaarsantahay. Sidoo kale, dhammaan Taliyayaasha Ciidammada ee Qaranka iyo Booliiska, waxa la faraya inay gacan buuxda ka siiyaan Wasiirrada hirgelinta wareegtadan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *