Hargeysa(ANN)Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay war lagu baahiyay warbaahinta qaarkood oo lagu sheegay isbedel weyn iyo isku shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumaddiisa. Afhayeenka Madaxtooyada

 

Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa gebi ahaanba Beeniyey in Madaxweynuhu isku Shandheyn ku sameyey Golihiisa wasiirada, wax kale oo uu sheegay in madaxweynuhu Kulan la tashi ah la sameyn doono Golaha wasiirada, si uu uga xogwareysto wax yaabihii u qabsomay, taas oo lagu soo qaaday shirkii golaha wasiiradda ee maanta.

Afhayeenka Madaxtooyada oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay in shirkan lagu darsi doono qorsheyaasha xukuumadda iyo qiimaynta waxyaabihii u qabsoomay,

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaaan jecelahay inaan idiin siiyo warbixin kooban oo ku saabsan, Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa fadhigii maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku war-galiyey golaha wasiirrada in todobaadka soo socda golohu yeelan doono kulamo socon doona sadex maalmood,”

Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada waxa kale oo uu sheegay in kulankaa lagaga wada hadli-doono waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda, waxaanu yidhi “Kulamadaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin. waxa kale oo kulamadaasi bilaabi doona maalinta Sabtida lagaga hadli doonaa qorshaha ku tallo-gal ee dhinaca wax qabadka iyo horumarinta qaranka ee sanadka soo socda.” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *