Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo), ayaa kusoo laabtay galabta magaalada Hargeysa ee xarunta caasimada Somaliland. kadib socdaal aan hore loo qorshayn oo uu kusoo maray magaalooyinka

 

Burco, Berbera iyo Sheekh ee Saaxil iyo Togdheer.

Madaxweyne Siilaanyo oo xalay u hoyday Magaalada Burco, wuxuu ka hor intiii aanu maanta kasoo laaban kormeer kusoo maray Madaarka magaalada Burco oo laga wado hawlo dib u dhis ah iyo wadada isku xidha magaalada Burco iyo Oodwene oo hawsheedu socoto.

Sidoo Madaxweyne Siilaanyo intii uu ku guda jiray safarkiisa oo ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda, wuxuu magaalada sheekh ka furay Cusbitaalka ay dawlada Kuwait ugu deeqday Somaliland, isla markaana wuxuu dhagax dhigay dhismaha  guriga martida ee Sheekh, isagoo xarunta Togdheer ee magaalada Burco xadhiga ka jarey  dhismayaal lagu kordhiyey Cisbitaalka magaalada Burco, Dugsiga sare ee Sheekh Bashiir iyo dusiga Sheekh braahim oo dhamaantood ku yaala magaalada Burco. sidoo kale wuxuu xadhiga ka jaray Taangi loo qorsheeyay inay biyaha ka cabaan dadka dhinaca Koonfureed  ee Burco, kaas oo qaadaya Boqolaal Foosto oo Biyo ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqashadiisa ku tilmaamay mid caadi ah, isagoo yidhi, “Booqasho caadiya weeye oo aan ku soo marayey gobolka Tog-dheer iyo gobolka Saaxil iyo meelo dhowra oo aan soo marey qeybo ka mida, waxa dhaqan ii ah inaan markaan muddo joogaba inaan mar dalka goboladiisa kala duwan aan soo maro si aan xaaladooda u soo ogaaado,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Inaksta oo Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay socdaalkiisa mid kormeer ah, hadana waxa aan ka madhnayn arrimo siyaasadeed iyo kaanbayn la xidhiidha Ololaha doorashada golayaasha deegaanka, waxaana socdaalkiisa oo ahaa mid qarba-qarbo ah la rumaysan yahay inuu ka dhashay natiijada  safar wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali  kaga soo laabtay dalka Britain Khamiistii lasoo dhaafay, kaas oo natiijadiisu dhalisay inuu Madaxweyne Siilaanyo si deg deg ah ugu baxo safar dhinaca magaalooyinka Burco iyo Sheekh, iyadoo ujeedada safarka Madaxweynaha ay bartilmaameed u ahayd magaalada Burco si uu kulamo ula yeesho Odayaasha iyo waxgaradka gobolka, isla markaana kala hadlo arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u taageeri lahaayeen xisbiga Kulmiye ee ay horeba u taageeri jireen inta badan bulshada gobolka Togdhdeer.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan tibaaxo laga helay kulamada Madaxweynaha  iyo waxgaradka gobolka Togdhdeer qaarkood  oo xalay ka dhacay Huteelka uu degnaa Madaxweynuhu, ayaa noqday kuwo aan natiijo fiican ku dhamaan, waxayna Odayaasha iyo waxgaradka uu la kulmay qaarkood ku doodeen in hada aanu dalku ahayn sadex xisbi oo keliya, isla markaana ay bulshadu ku qaybsantahay ururada tartamaya oo kala qayb qaybiyay bulshada.

Sidoo kale kulamadaa ayaa lagu wargeliyay Madaxweynaha tabshooyin aanay xukuumaddiisu waxba ka qaban oo la xidhiidha dhinaca maamulka iyo cadaaladda, balse aanay maanta waxba uga cabanayn maadaama ay ku doodeen inaan xukuumada Madaxweynuhu ahayn xisbigii Kulmiye, balse ay u muuqato xulufo siyaasadeed oo aan waxbadan kala socon ujeedadii loo doonayay sideeda sanadood iyo ka badan iyo siyaasada dalka isbedel lagu sameeyo oo ay door weyn ku lahaayeen.
sida ay sheegayaan tibaaxaha laga helay kulankaa ayaa  dhamaaday iyadoo aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo waxgaradka uu la kulamay ee Togdhdeer waxba isla meel dhigin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *