Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si kulul u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sharaxaad ka bixiyay sababaha ay ku timi inuu xilka iska casilo markii uu ka tegey xukuumadda

 

uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha.

Dr. Gaboose, wuxuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sifeeyay tii ugu xumayd ee soo marta Somaliland marka laga eego sida ay ula dhaqanto warbaahinta, wuxuuna  arrimahaa iyo kuwo kaleba kaga hadlay munaasibad lagu xusayay maalinta xorriyadda saxaafadda Somaliland oo saaka laga xusay Magaaladda Hargeysa.

Gudoomiyaha UMMADDA, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, ” Maanta oo ah maalinta saxaafadda xorta ah ee Somaliland oo ay runtii ahayd in ay intan ka miisaan weynaato iyo xuska geerida naxdinta leh ee ku timid wariyihii ugu horeeyay axmed faarax oo ku geeriyooday laascaanood.

Saxaafadda Somaliland maanta isu  sheegi mayno waxa ay ahayd tiir dalkan jiritaankiisa  kasoo qaatay qayb libaax leh, saxaafadda caalamka markii dalalka dimuqraadiyadda laga hadlayo waa alad dhismaha u adeegta, marka laga hadlayo nidaamka shuuciyadda laga hadlayana waa aalad ku astaamaysan in ay burburinaysa nidaamka markaas jira” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

wuxuuna isagoo ka hadlaya doorka saxaafada iyo kaalintii ay ka qaadatay isbedelka, wuxuu yidhi, “Saxaafadda Somaliland aniga oo intii dambe kulmiye la halgalayay waxa aan ka markhaati ahayn in isbedelkii uu kulmiye ku guulaystay in ay saxaafaddu hiilka dhinaca saartay iyaga oo u arkayay in uu dalka isbedel yimid, kaas oo la filayay in uu noqdo mid wanaagga keena”

Hase yeeshe Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xadhig iyo tacadiyo u geystay suxufiyiintii ugu tiradda badnaa mudadii xukuumaddu jirtay, isagoo  yidhi, “Waxa maanta mugdi iyo nasiib darrona ah in ururka SOLJA uu si cadaan ah ugu dhawaaqay in Somaliland intii ay jirtay iyo madaxweyneyaashii soo maray ilaa Cabdiraxmaan, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale, suxufiyiinta  ay xidhay maamulka Madaxeyne Axmed Siilaanyo ay saddex jibaar in ku dhaw ay gaadhayaan, waa wax aad iyo aad murugo u leh. “

Dr. Gaboose waxa uu tilmaamay dhaqamo aad u xun oo uu sheegay in hablaha iyo wiilasha suxufiyiinta ah la isugu daro bahdilaad iyo waliba jidhdil, wuxuuna yidhi, “Maalintii dhaweyd ee ay lahaayeen balamayahaygii 70% ayaanu qabanay taloow balamahaas ma waxa ka mid ahaa in todobaad suxufi la xidho, taas waxa  ka daran in dhaqan aanay lahaan jirin maamuladii hore oo ah bahdil, jidhdil, lagu xidho meel aan u qalmin, hablaha oo ahayd in la dhawrana ay xadhig ugu daraan, taloow taasina ma waxa ay ku jirtaa 70% ka wax qabadka xukuumadda.”

Gudoomiyaha UMMADDA Dr. Gaboose, waxa kaloo uu ka hadlay aragtidiisa xeerka Sirdoonka ee ay dhawaan Labadda gole ee Guurtida iyo wakiiladu ansixiyeen, isagoo yidhi,  “Waxa dilkaas iyo bahdilaadaas ka daran waxa intaba ka culus ayaa soo baxay waa xeerka sirdoonka qaranka oo uu numbarkiisu yahay 59/2012 kana soo gudbay goleyaasha oo maanta horyaala madaxweynaha kaas oo ay tahay in uu ansixiyo. Xeerkani wuu ka baaxad weyn yahay, labadda qodob ee aan arkay ee aanay warbaahintu hoosta ka xariiqin

Xeerkani waxa uu abuurayaa hay’adda cusub oo aan dalka ka jirijirin, hay’addaas oo la yidhaahdo sirdoonka qaranka, Hay’addan iyo aniga taariikhbaa na soo dhex martay, rukunadda ugu waaweyn ee maamulka aanu isku qabanayna, waa hay’adda ka dambaysay.

Waxa dhacay habeen wakhti dambe ayaa oo waagu soo dhaw yahay ayaa waxa i kiciyay taliyihii ciidamadda booliska cilmi oo ii sheegay in ciidan 200 ahi ay  ka soo degeen xeebaha saylac, maxaa sababay ayaan idhi in ciidan intaas le’egi ay ka soo degaan dalka, waxa uu ii sheegay in aanay ciidamadu lahayn sirdoon si toos ah ula shaqeeya, waxa ay leeyihiin oo qudha xuuraan ku kooban dambiyadda shakhsiga ah.

Waxa kale oo uu ii sheegay in hay’adda Sirdoonka qaranku ay Madaxweynaha Toos u hoos tagto oo xidhiidh wada shaqayn ahna wada leeyihiin. Waxa subaxdii Wargeysyadda ku soo baxday in Aanu Dhakhtarku (Dr. Maxamed Cabdi Gaboose) aanu ku haboonayn nabadgalyadda wadanka, wax alaale wixii nabadgalyadda waxyeeli kara markii aan dareemay in uu wasiirka arrimaha guduhu dhaliilsane yahay, madaxweynahaan u sheegay markaa in haddii qarax la damco in  lagu fuliyo Madaxtooyadda in aanay Wasaaradda Arrimaha guduhu awood u lahayn in ay ogaato in qaraxaasi dhici karo.

Hadii uu qaraxaasi baaqdana ay tahay in shacabka Reer Somaliland wixii ay arkeen u soo gudbiyeen Booliska.Waxa kale iska dhaafe waxa aan xitaa u sheegay in Dekedaha Iyo Madaaradda dadka ka baxaya  in aanay xitaa wasaaradda arrimaha guduhu waxba ka ogeyn ee laanta socdaalku cida ay toos ugu geysaa tahay Madaxweynaha” ayuu Yidhi. Dr. Gaboose oo sharaxaad ka bixinayay arrimaha amaanka dalka iyo mudadii uu joogay wasaaradda arrimaha gudaha waxyaabihii uu ka ogaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *