Gebilay(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si lama filaana ah socdaal ugu tegey shalay degmada Gebilay, isagoo salaadii

 

Jimcaha kula tukaday Boqolaal dadweyne ah Masjidul jaamaca magaalada Gabiley.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo dadka Reer Gebilay ku war heleen wuxuu salaadii jimcaha kadib  gacan salaan  gacan qaad ah ula tegey culimada, waxgaradka bulshada ee ku tukanayay masaajid jaamaca.

safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ku wehelin  wax baabuur ciidan ah,  ama Baabuurtiisa Khaaska ah,  balse watay Laba gaadhi oo shiciba ah,   ayaa mar keliya  dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oo aan wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday salaadii Jimcaha.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku weheliyeen safarkaa Wasiirka Madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Taliyaha ciidanka booliska Col. Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha ciidanka illaalada madaxtooyada Gen. Faysal Kaamil Ciise(Janaka Birta ah).

Booqashadaa kadib Madaxweynuhu wuxuu kormeer kusoo maray Dooxa Arabsiyo oo ku soo durkay xabaalo halkaa ku yaala, wuxuuna  warbixin kaga dhagaystay Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali nuur Sh. Muxumed oo sheegay in dooxu uu ku soo durkay xabaalaha oo uu qaaday xabaalo.

 

Kormeerkaa kadib wuxuu Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)amar ku bixiyay in laga mooso daadka  dooxa xabaalaha, isagoo  tilmaamay inay xukuumaddu ka qeyb qaadan doonto arrintan, waxayna Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday isla shalayba kusoo laabteen caasimada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidan oo kale dhowr goor jimcayaasha si kedis ah uga baxay qasriga Madaxtooyada isagoo salaada Jimcaha kula tumaday masjidada magaalada Hargeysa, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana aan laga warqabin dhaqdhaqaaqiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *