Hargeysa(ANN)Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee urur siyaasadedka ummada  Axmad Maxamuud  Nuur, ayaa shaaciyay inuu  iska casilay xilkii  iyo xubinimadii  uu u hayay ururka Ummada ,Waxaana uu sheegay gudoomiyuhu inuu ku biiray xisbiga talada haya ee kulmiye .

Gudoomiye xigeenka sedexaad ee Ummadda oo maanta  shirjaraa,id kuqabtay Huteel Xaraf  ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay is casilaadiisu ku lug leedahay  tadaalada xukuumadda iyo xisbigeeda  kulmiye ka gaadheen  wadahadaladii nadabada bariga sanaag,isagoo tilmaamay in deegaanka  uu kasoo jeedaa ay taageersanyihiin xisbiga kulmiye ee haatan talada dalka haya.

Axmed Maxamed Nuur oo ahaa gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee urur siyaasadeedka ummada , ayaa sheegay  inaanay jirin wax khilaafa oo dhexmaray gudoomiyaha Ummada Dr. gaboose,  balse ay tahay mid isaga iyo bulshada  deegaanka uu kasoo jeedo ee Bariga Sanaag oo  taageersani  ay  xisbiga kulmiye ku soo biireen isaga.  “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay, xilkaasi oo aan muddo soo hayey sababaha ugu waaweyn ee keenay waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinac Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan deegaankii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay  siyaasigii deegaankaa waxaan ku khasbanahay inaan bulshada deegaankayga raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii umadda ee mucaaridka ahaa”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu xil ka  doonayo xukuumada maadaama uu ka soobaxay  ururkii uu kujiray, isla markaana uu  sheegay  in isaga iyo bulshada deegaankiisuba  la shaqaynayaan xukumada talada dalka haysa. “Xilka mar walba waala helayaa, waana wax jira mar haddii uu qofku muwaadin siyaasiya yahay, qof kasta oo muwaadin ahina xaq ayuu u leeyahay inuu xil ka helo dawlada, taana aad-baan ugu han-waynahay, ta kale ururka waa laga bixi karaa, waayo siyaasadu malaha saaxiib joogto ah, ururkuna maaha aayad qur’aan ah oo meel ku taalla”. ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxwaynaha maamulka Puntland Faroole, isagoo yidhi,  “ adigu waxaad xukuntaa sedex gobal ee intaa ku eekaw ,waxaan  kala nahay laba dal ,oo la kala yidhaa somaliland British iyo somaliaya dadakana waa dad reer Somaliland ah”.

Dhinaca kale  Axmad Maxamuud Nuur waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya uu yahay nin  wax badan ka yaqaana Somaliland in badana kashaqayn jiray, wuxuuna fariin u diray Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan sh. Maxamuud iyo Raysalwasaaraha somalia, isagoo yidhi,   “madaxwaynaha Somalia waa nin in badan ka shaqayn jiray samaliland waxaana looga fadhiyaa inuu ictiraafka ka siiyo midigta, raysalwasaaraha waxaan leeyahay siyaad bare ayaa baalmadaw kaga tegey reer Somaliland ,adna waxaa lagaaga fadhiyaa inaad baalkaa madaw aad caadaan u badasho oo aad Somaliland siisaan ictiraafkeeda ay xaqa uleedahay”. ayuu yidhi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *