Gebilay(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si lama filaana ah socdaal ugu tegey shalay degmada Gebilay, isagoo salaadii
Jimcaha kula tukaday Boqolaal dadweyne ah Masjidul jaamaca magaalada Gabiley.
Madaxweyne Siilaanyo oo dadka Reer Gebilay ku war heleen wuxuu salaadii jimcaha kadib gacan salaan gacan qaad ah ula tegey culimada, waxgaradka bulshada ee ku tukanayay masaajid jaamaca.
safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ku wehelin wax baabuur ciidan ah, ama Baabuurtiisa Khaaska ah, balse watay Laba gaadhi oo shiciba ah, ayaa mar keliya dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oo aan wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday salaadii Jimcaha.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku weheliyeen safarkaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Taliyaha ciidanka booliska Col. Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha ciidanka illaalada madaxtooyada Gen. Faysal Kaamil Ciise(Janaka Birta ah).
Booqashadaa kadib Madaxweynuhu wuxuu kormeer kusoo maray Dooxa Arabsiyo oo ku soo durkay xabaalo halkaa ku yaala, wuxuuna warbixin kaga dhagaystay Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali nuur Sh. Muxumed oo sheegay in dooxu uu ku soo durkay xabaalaha oo uu qaaday xabaalo.
Kormeerkaa kadib wuxuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)amar ku bixiyay in laga mooso daadka dooxa xabaalaha, isagoo tilmaamay inay xukuumaddu ka qeyb qaadan doonto arrintan, waxayna Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday isla shalayba kusoo laabteen caasimada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidan oo kale dhowr goor jimcayaasha si kedis ah uga baxay qasriga Madaxtooyada isagoo salaada Jimcaha kula tumaday masjidada magaalada Hargeysa, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana aan laga warqabin dhaqdhaqaaqiisa.