Burco(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud  (Siilaaanyo) oo saaka safar kalahaad jarmaado ah kaga baxay Hargeysa ayaa  galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Kadib markii uu maanta soo maray deegaanka Oodweyne

 

iyo tuulooyinka Haro-sheekh iyo Xaaxi oo ka tirsan deegaankaa.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka, wuxuuna hadalo u jeediyay dadka deegaanka, isagoo  warbixin ku saabsan xaalada nolasha,ammaanka iyo horumarinta bulshada la xidhiidha uu ka dhegaystay  maamulka iyo waxgaradka deegaankaa Maamulka iyo waxgaradka degmada  Haro-sheekh ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo dhiso saldhig boolis iyo Cisbitaal. halka maamulka degmada Xaaxina ay ka dalbadeen inuu ka taageero dhinaca horumarinta dhul beereedka degmadaasi caanka ku yihiin.


Madaxweyne Siilaanyo waxa uu halkaa u dhaafay deegaanka degmada Oodweyne iyadoo ay  kumanaan dadweyne ahi kusoo dhaweeyeen magaalada Oodweyne, wuxuuna  sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisa gobolada bari ka bilaabo gobolka Oodweyne, waxaanu dadweynaha uga mahad celiyay sida xushmada leh ee ay ku qaabileen weftigiisa. Waxa iyaguna  halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha uga xog waramay xaalada deegaanka Oodweyne Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Oodweyne Faarax Cabdilaahi Caano-kariye, Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Mudaneyasha Golaha Wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay Gobolka Oodweyne iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo tilmaamay baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanka.


Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa galabta u gudbay dhinaca xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaana kusoo dhaweeyay magaalada Burco Maamulka gobolka Togdheer, maamulka degmada iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada.  Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto balan qaadyadii xiligii olalaha doorashada ay u sameeyeen deegaankaas, balse waxa  uu  u soo jeediyay bulshada  inaanay ka deg degin waxqabadka xukuumada, maadaama ay hada mudo sanad iyo dhawr bilood jirtay, isla markaana mudada la doortay shan sanadood tahay.


Madaxweyne Siilaanyo wefdigiisa  waxa  xubno ka ah Wasiiradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed  Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam  Cabdi Aadan, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Cabdi Casiis Maxamed Samaale Iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale socdaalka Madaxweynaha ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho arrimo uu ugu gogol xaadhayo sidii uu tartanka Ururada ugu soo bixi lahaa xisbiga Kulmiye, isla markaana lama hubo mudada uu qaadanayo socdaalkiisu iyo inuu dhaafi doono xarunta gobolka Togdheer, balse   wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo caawa kulamo la yeelanayo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer, waxaana la filayaa inuu maalinta beri dadka kala hadlo fagaaraha khayriyada Burco.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *