Laascaanood(ANN)Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin ayaa caawa fiidkii salaadii Maqrib kadib  ku toogtay magaaladda Laascaanood Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Sool Ibraahin

 

Axmed Shire iyo nin kale oo ganacsade ah oo la socday.
Gudoomiyaha iyo ninka la socday ayaa sida ay warar dhinaca saraakiisha amaanka ay ka heshay shebekada Araweelonews u sheegeen waxa tacshiirad rasaas ah ku furay masuulkaa iyo ninka la socday koox dablay ah oo aan weli la aqoonsan, iyagoo kasoo baxay Masjid ku yaal Koonfurta magaalada,   isla markaana dhawaaca  labadaa nin tacshiirado rasaas ah lala beegsaday ayaa loo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, balse wararka qaar ayaa sheegaya in gudoomiyaha maxkamadda Rafcaanka oo dhaawaciisu ahaa mid culus ku geeriyooday jidka ka hor intii aanay soo gaadhin magaalada Burco.
Dablayda fulisay falkaa ayaa baxsaday, waxayna Ciidanka amaanka oo mar danbe goobta tegey bilaabeen baadhitaano lagu raadinayo dadkii geystay falkaa.
Mahaa markii u horaysay ee magaalada Laascaanood sidan oo kale falal shirqoolo dilal ah laga fuliyo, balse dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa halkaa ka socday falal arxandaro ah oo xiliyada fiidkii masuuliyiinta maamulka gobolka lala beegsanayay, iyadoo tirada masuuliyiinta ilaa 2008 lagu dilay magaalada Laascaanood agaadhayaan labaataneeyo, isla markaana aan inta baddan cidna loo qaban.
Gudoomiyaha hada la toogtay ee maxkamadda rafcaanka ayaa noqonaya kii labaad ee sidan oo kale loola beegsado shirqool dil, iyadoo sidan oo kale xili  fiid ah July 19 2010, koox  hubaysan oo aan haybtooda la garanayni magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ay ku toogteen  Suleymaan Jaamac Ciise (Suleyman Dheere) oo ahaa gudoomiyaha maxkamada racfaanka ee gobolka Sool, kuwaas oo baxsaday markii ay fuliyeen falkaa. Hay’adaha amaanka, kuwa baadhista denbiyada  iyo kuwa sirdoonka ayaa ku guuldaraystay  inay wax ka qabtaan xaalada gobolka Sool iyo falalka qorshaysan ee lagu ugaadhsanyo masuuliyiinta halkaa, kuwaas oo ka hortag iyo ka daba tag aan midna waxba lagaga qaban oo ay kuwa falalkaa fuliyaa caadaysteen inay dib ugu dhuuntaan magaalada Laascaanood. Iyagoo hiba inaan cidna gacanta ku dhigayn.
Dhowaan ayaa mudo kooban la geeyay halkaa Taliye Qaybeed Booliska ah oo lagu magcaabo Col C/llaahi Haaji Jaamac Calas oo ka mid ahaa saraakiisha Milateriga Somalia, kaas oo mudadii uu joogay ay hakadeen falalkii ka socday gobolka,  isla markaana sameeyay baadhitaano lagu soo xidhay dad baddan oo lala xidhiidhiyay falalka dilalka qorshaysan ee ka dhacayay  Laascaanood, balse mudo yar ka dib ayaa la bedelay, iyadoo uu taa sabab u ahaa wasiirka ganacsiga Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *