Burco(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaaanyo) oo saaka safar kalahaad jarmaado ah kaga baxay Hargeysa ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Kadib markii uu maanta soo maray deegaanka Oodweyne
iyo tuulooyinka Haro-sheekh iyo Xaaxi oo ka tirsan deegaankaa.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka, wuxuuna hadalo u jeediyay dadka deegaanka, isagoo warbixin ku saabsan xaalada nolasha,ammaanka iyo horumarinta bulshada la xidhiidha uu ka dhegaystay maamulka iyo waxgaradka deegaankaa Maamulka iyo waxgaradka degmada Haro-sheekh ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo dhiso saldhig boolis iyo Cisbitaal. halka maamulka degmada Xaaxina ay ka dalbadeen inuu ka taageero dhinaca horumarinta dhul beereedka degmadaasi caanka ku yihiin.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu halkaa u dhaafay deegaanka degmada Oodweyne iyadoo ay kumanaan dadweyne ahi kusoo dhaweeyeen magaalada Oodweyne, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisa gobolada bari ka bilaabo gobolka Oodweyne, waxaanu dadweynaha uga mahad celiyay sida xushmada leh ee ay ku qaabileen weftigiisa. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha uga xog waramay xaalada deegaanka Oodweyne Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Oodweyne Faarax Cabdilaahi Caano-kariye, Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Mudaneyasha Golaha Wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay Gobolka Oodweyne iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo tilmaamay baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanka.
Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa galabta u gudbay dhinaca xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaana kusoo dhaweeyay magaalada Burco Maamulka gobolka Togdheer, maamulka degmada iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto balan qaadyadii xiligii olalaha doorashada ay u sameeyeen deegaankaas, balse waxa uu u soo jeediyay bulshada inaanay ka deg degin waxqabadka xukuumada, maadaama ay hada mudo sanad iyo dhawr bilood jirtay, isla markaana mudada la doortay shan sanadood tahay.
Madaxweyne Siilaanyo wefdigiisa waxa xubno ka ah Wasiiradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Cabdi Casiis Maxamed Samaale Iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale socdaalka Madaxweynaha ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho arrimo uu ugu gogol xaadhayo sidii uu tartanka Ururada ugu soo bixi lahaa xisbiga Kulmiye, isla markaana lama hubo mudada uu qaadanayo socdaalkiisu iyo inuu dhaafi doono xarunta gobolka Togdheer, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo caawa kulamo la yeelanayo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer, waxaana la filayaa inuu maalinta beri dadka kala hadlo fagaaraha khayriyada Burco.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com