Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa galabta kormeer lama filaan ah kusoo maray goobo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta magaalada Hargeysa, isagoo aan aan wadan wax ilaalo ah. Kadib marii uu qasriga madaxtooyada ka baxay Salaadii Casar kadib.
Madaxweyne Siilaanyo
oo watay gaadhi khaas ah, isagoo ay weheliyaan Marwadiisa iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali, balse ay huteelkaa ku sugnaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kaluumaysiga oo iyagu hore u sii joogay sida ay noo sheegeen dadkii ku sugnaa Huteelka xiligaa., halkaas oo uu ku sugnaa ilaa salaadii maqrib oo uu dadk kula tukaday masjid ku yaal Huteelka, iyadoo ay lama filaan ku noqotay dadkii Huteelka joogay xiligaa oo si niyadsan usoo dhoweeyay, isla markaana salaan gacanqaad ah ku qaabilay madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu booqday Huteelka Star ee Koonfurta Magaalada Hargeysa oo uu alaabooyin ka iibsaday dukaankaa, isagoo halkaa ku sugnaa ku dhowaad nusa saac, kadibna wuxuu Madaxweyne Siilaanyo booqday Edna Cosmatics, isagoo Markaa kadib kusoo laabtay qasriga Madaxtooyada caawa caweyskii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Qasriga Madaxtooyadda ku soo noqday isaga oo ku faraxsan booqashada uu kusoo maray goobahaa.
Booqashada Madaxweynaha ee goobahaa ayaa noqotay mid layaab ku noqotay dadkii ku sugnaa oo aan filayn inuu Madaxweynaha oo aan wadan wax ilaalo ah uu soo booqdo, taas oo aan looga baran madaxda Somaliland. Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale Madaxweyne Siilaanyo si lama filaan ah booqasho ugu maro suuqyada magaalada, balse waxa uu goor Maqrib ah sidan sidan oo kale u dhex qaaday Suuqyadda Xero Awr iyo badhtamaha magaaladda dhawr bilood ka hor..
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com